Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Maleeshiyo qabsatey Xaruntii Xisbiga ee Muqdisho

Recommended Posts

Maleeshiyo qabsatey Xaruntii Xisbiga ee Muqdisho

20 Mar 20, 2007 - 4:00:12 PM

 

 

 

 

Maleeshiyo aad u hubeysan isla markaana wajiga kusoo xirtay cimaamado ayaa galabnimadii maanta qabsaday xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho.

 

 

Maleeshiyadaan ayaa ku amray dadka degan hareeraha Xisbiga in ay iskaga guuraan iyagoo sheegay inay waxii maanta ka bilowdo halkaasi ay gacanta ku heyn doonaan.

 

 

 

Max'ed Cabdi Xasan oo kamid ah dadka degan agagaarka xarunta Xisbiga ayaa GO u sheegay in Maleeshiyadaan qabsatay xarunta iyo ciidamo saaran gaari Tekniko ah ay israsaaseyn xoogan dhex martay halkaaso 2 ruux ay ku dhaawacmeen.

 

 

 

Maleeshiyadaan ayuu Cabdi Xasan sheegay inay yihiin kuwa Madaafiicda ku ridi jirtay goobaha ay ciidamada Dowlada KMG Somalia ka degan yihiin Muqdisho, isagoo sheegay in dabaqa kore ee xarunta ay ku xirteen qoryo waa weyn.

 

 

 

Ilaa hada lama oga sababaha ay maleeshiyadaan u qabsadeen xarunta Xisbiga, iyadoo halkaasi ay joogeen ciidamo Boolis ah oo ilaalo ka hayay xaruntaasi.

 

 

 

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa kacsan iyadoo goobo ku dhow dhow xaafada Cali Kamiir ilaa Xamar Jadiid laga soo sheegayo kooxo gaadiidka Teknika wata oo wajiyada soo xirtay oo maraya xaafadaasi.

 

 

 

Waa markii ugu horeysay oo ciidamo aan ahayn kuwa ka amar qaata Dowladda KMG ah ee Somalia ay si cad u qabsadaan meel ka mid ah Magaalada Muqdisho, tan iyo markii Dowladda ay gacanta ku dhigtay magaalada daba yaaqadii bishii December ee sanadii tagtay.

 

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this