Sign in to follow this  
Ace of Spadez

Haatuf speaks with Former Education Minister -Xasan Maxamuud Dhiilood

Recommended Posts

“Arrinta Dagaalku Waa Mid U Gaar

Ah Ina Cabdi Xaashi, C/Laahi Yuusuf-na…” Xasan Maxamuud Dhiilood

 

“Anigu waxaan qabay inay Puntland Soomaalida isu keento.. Somaliland

maanta Axsaabay maraysaa, waxaanan jecelahay inay Caalamka ka mid noqoto…” Wareysi Khaas Ah – Wasiirkii Waxbarashada Maamul-goboleedka Puntland, Xasan Maxamuud Dhiilood

 

Hargeysa, Feb 22, 2004 (Haatuf) – Wasiirkii Waxbarashada ee Maamulka Puntland, Xasan Maxamuud Dhiilood ayaa markii u horaysay tafaasiil ka bixiyay asbaabtii uu kaga soo goostay maamulka C/laahi Yuusuf iyo mawqifkiisa waqtigan xaadirka ah, arrimahaana wuxuu kaga hadlay waraysi gaara oo uu xalay fiidkii siiyay wargeyska Haatuf, waraysigaasi u dhacay sidan:

 

S: Sideee ayaad u aragtaa mawqifka Somaliland iyo gooni isu taageeda?

 

J: Anigu waxan ka soo galay Ceerigaabo, waxaana soo maray dhul badan, markaa Ceerigaabo laga soo bilaabo ilaa laamiga waxa ku soo arkay mashaariic dadka iyo dawladduba samaynayaan oo kharash badani ku kacayo, kuwaas oo aanay dawladda la citirifaafsan yahay qaarkood samayn karin, waxa ka mid ah wadada Jayga ah ee Ceerigaabo, taas oo degmo waliba waxay samaysay 20 – 23km. Markii aan Hargeysa imina waxaan arkay dadku inay wax qabsanayaan, dalkooda jecel yihiin oo maal-gashanayaan oo ku ganacsan yihiin, waana arrin wanaagsan, waana faham ay taa fahmeen, hadayse Soomaali daba ordi lahaayeen maanta iyaguna waxba ma hayeen. Aniguna waa mid aan ku amaanayo kalana qayb qaadanayo.

 

S: Maadaama aad ka mid ahayd masuuliyiinta Puntland, maxaad u maleynaysaa sababta keentay in C/laahi Yuusuf inuu xoog ku qabsado Laas-caanood, iyadoo aan la arkayn sabab kalifey?

 

J: C/laahi Yuusuf wuxu ku maqan yahay shirka Soomaalida sanad iyo badh, wuxuuna yimaadaa mar mar, iyadoo dastuurku dhigayo inaanu 60 cisho ka badan maqnaan, wuxuuna yimaadaa iyadoo meeshii mushkiladi ka jirto, isagoo u yimaada sida boqorada carabta, waxaana isaga shirka kaga weyn mushkilada. Aniguna markii arrintani bilaabantay waxa joogay Nairobi, maalintii uu hadlayay ninkii wasiirka ahaa ee seefta banaanka waan u tegay subaxnimadii, wuxu igu yidhi anagu hadaanu ********** nahay, nooma wanaagsana in aanu mushkilada ka qayb qaadano ee waxa wanaagsan ********** inay mushkiladooda soo xaliyaan, isaguna (C/laahi Yuusuf) inuu ogaa iyo in kale kama warami karo, balse mushkiladan waxa sameeyey ninka madaxweyne ku xigeenka ah Maxamed Cabdi Xaashi, iyadoo mudadii maamulka Puntland soo dhow dahay oo ku eegtahay bisha July ee fooda inagu soo haysa, waxaana la rabaa in laysu yimaado oo ama dadkii hore la doorto ama dad cusub la doorto, doorashaduna waa hawl balaadhan oo lagama shaqayn qaabkii wax lagu dooran lahaa, waxaana lagu mashquulsanaa arrimaha shirka Soomaalida. Sidaa awgeed waxa meesha isku dhacay waqtigii oo dhamaaday iyo iyadoo aan waxba la diyaarin, markaa wuxuu ka fikirey ina Cabdi Xaashi haddii C/laahi Yuusuf xagaa madaxweyne ka noqdo adigiina muddo ma haysid oo maad tabaabushaysan, ciidamadana markii hore wuxuu u soo diray laba qabiil oo is laayey oo ********** ah, markay ciidanku Laas-caanood yimaadeen wuxuu ku yidhi ninka taliyaha ah ka hawl gal, isagoo indhaha dadka ku jeedinaya inuu dalka xaalad deg deg ah geliyo si ay ugu suurto gasho mar hadaanay doorasho suurtoobayn inuu korodhsado, waxaanan filayaa sidaan ku aqaan Maxamed Cabdi Xaashi wax kasta oo uu samaynayo C/laahi Yuusuf wuu wargeliyaa, markaa inuu ogeysiiyana way dhici kartaa inaanu ogeysiina way dhici kartaa ileyn wax aan jirin lama sheegee waa la dhimanayaaye. Laakiin arrintan ina Cabdi Xaashi uun bay ku koobnayd, isagaana dhibaatadan u horseeday gobolka.

Waxa kale oo iyana jirta inaan wax horumar ah laga samayn gobollada, wax faa’iido ah oo ku soo kordhayna ma jirto oo aan magacaa ahayn, ta kale adduunyadu Soomaalida way taqaanaa siday dhaqan u kala leedahay ama deris u kala tahay ama isu fahmi karto, markaa adduunyadu waxay goosatay maadaama aanay maamuladii dhaqaale fiican hayn oo aanay amaah ka helayn baanka adduunka, deeqda caalamku bixinayona la soo marinayo hay’addaha, hadana wixii goboladaasu (Sool iyo Sanaag bari) lahaayeen waxay yaaliin Hargeysa, taasuna waa xukun ay gaadhay golaha amaanka ee qaramada midoobay oo wada tashi laga yeeshay in Soomaalidu sidaa kala ahaato oo deeqahoodu halkaa maraan, taasuna waxay keentay inay meeshaa oo waxeedii halkan yaaliin ay noqoto meel la isku haysto oo carqaladi ka jirto, cid gaadhsiisana aan la hayn sababaha amniga iyo khilaafka awgood, arrinta ciidanka keentayna sidaasi ayay ahayd.

Dadkanuna dad dagaalami kara maaha, waxaana la doonayaa in taariikhdu shaqayso oo la xusuusto wixii shalay la soo maray, markii horena shaydaan baa ka adeegay dagaalka, aniguna gobolka la ii soo magacaabay ee xaalada deg deg ah dad badan baan la xidhiidhay oo jooga xagga Laas-caanood iyo xaga gobollada **********, waxaanuna fahanay inay waxanu khalad tahay in nin dhiigii lagu qabsado xukun, maantana lama hayo qorshe dadka doorasho lagu gaadhsiinayo, shirkan Xamar ee aanu ka qayb galnayna wax xukuumadu iska goostay oo khalada ayuu ahaa baarlamaankana lama weydiin, markii waqtigii dhamaadayna waxay noqotay sidee ku korodhsanaa, anaguna hadaanu tallo soo jeedinay iyo sidii dagaalka lagu joojin lahaa oo aanu nidhi dagaalka ha la joojiyo ciidamada ********** ha ka baxeen kuwa ****** iyo wixii kale ee la socda ha ka baxeen xadka ********** inaguna hadaynu ********** nahay aynu wada hadalno wuu diiday Ina Cabdi Xaashi wuuna is hortaagay waana sababtaa ayaana keentay markaan arkay anagoo nimanka wasiirada ah ee halkan ka shaqeeya wada hadli jirnay, way naga macquulsanaayeen oo waxay yidhaahdeen idinkuna kaalaya anaguna waanu imanaynaaye ********** debeda joogana aan u yeedhano oo hadaad dadka wax u haysaana nagu qanciya hadaanu anagu wax u haynana oo dad walaalahoodoo doonaya oo wax tarayana iyo dhul laga rabo oo ay is dhaqan yaqaaniin ayaanu u haynaa, waxaana taa kuu cadaynaysa kaalintii iyo gurmadkii ay ka geysteen, balse goboladaa aanu ka shaqaynaynay wax kaalmo ah soomay gaadhsiin, waxaanad dareemaysaa markay dhibaato dhacdo dadka ku kala xiga ama dani ku hayso ayaad kala ogaataa. Marka dantu ku qabsatana ama dhibaato kugu dhacdana ninka jiidhkaaga ah ayaa wax ku tarayaa oo mushkilada ayuu wax kaala qabanayaa, ninka aydaan waxba wadaagina oo aan ahayn wadaagu waanu wada dhalanay waxba tari mayso oo walaalaha ayaan isa salaamin. Markaa arrintu dagaalku sidaas ayay ahayd oo waxay ku kooban tahay ninkaa oo keliya waana damac shakhsi ah.

 

S: Haddii ay ka dhamaatay muddadii maamulka C/laahi Yuusuf sidee ayaad u aragtaa ina y waajihi karaan mushkiladaa, ma laga yaabaase inuu C/laahi Yuusuf iska kordhisto mudada, ama sidey noqonaysaa haday u suurto geli weydo inuu kursigaa Soomaaliya ku guulaysto?

 

J: Sideedaba dadka Afrikaanka ahi waa dad jecel xukunka iyo awooda aduunyada hore u martayna waxay ku horumartay doorashooyinka, inaguna waxaynu ka mid nahay Afrikaanka, ninkanuna waa nin weyn in badana wuu ku soo jiray oo yaqaan sida loo raadiyo xukunka, waana laga yaabaa boqolkiiba boqol inuu ku guulaysto, kamana uu faa’idaysan dhacdadii shalay dhacday iyo sidii looga faro maroojiyey isagoo qudbadii haysta sababtuna waxay ahayd waxbaba waanu meesha gelin oo wuxuu ka shaqaynayay War Lord-da debeda dagaal oogayaasha, anugu u malaynmaayo, Soomaalidu meel kastooy joogtaba wanaag baan la jecelahay dadkana in taladii lagu celiyaa waa lagama maarmaan, laakiin dariiq loogu celin lahaa iima muuqdo oo axsaabi ma jirto, dadka lama tirin dastuurkiina ma habaysna, gobolladuna xuduudo ma laha markaa way adag tahay, waxa iyana meesha ka baxday tii Somaliland iyo Puntland ay wax ku doorteen ee qabaa’ilka ahayd, markaa waxaan filayaa inuu lana mid uun yeeli oo uu noqonayo nin oday Soomaali ah oo tanaasula oo ah kii asaasay Puntland ama nin xukun jecel oo ku ceebooba, waxaanan filayaa mar hadaan doorasho waqtigan la qaban karayn, ********** waa dad wanaagsan oo dhulkooda Soomaali oo dhami ka ganacsato, balse kala dhaqan baanu nahay oo dhaqanku waa wax aan la dafiri karin oo jira, kana adag wada dhalashada.

 

S: Sidaa aad la socoto Somaliland waa dal madax banaan oo 12 sanadood ka hor madaxbanaanidoodii la soo noqday, siyaasiyiinta koonfurtuna had iyo jeer waxay meelaha ka yidhaahdaan Somaliland ma go’I karto oo xaq uma laha inay aayaheeda ka tashato, maadaama aad adigu dalkaagii timid shakhsi ahaan iyo siyaasiyanba ma difaaci doontaa siyaasada Somaliland, mise arrintaa weli waad ka dhowrsanaysaa?

 

J: sidaad la socotaan dunida wadamo yar yar ayaa dawlad ah, markii horena waxa la ahaa Soomaali weyn oo ka soo bilaabantay xusbiyo, ismana aqoon Soomaalidu, taase khasaare ayaa ka yimid anuguna hadaan ahay nin dhalinyaro ah wadankiisii jooga, caruurtaydiibaana wadanka joogta, waxayna dani iigu jirtaa dawlad in la helo, waxaase jirtay in dastuur Soomaaliyeed la sameeyey 1961-kii, Soomaali oo dhan baana u codaysay, anuguna mar hore waxaan ku taliyey oo uu wareystay Telifishanka Somaliland waqtigii Ina Cigaal anigoo Laas-caanood jooga in Soomaali aynu nidhaahno anagaa u talinayna maadaama ay sodon sano noo talinayeen oo Hargeysa Caasimad laga dhigo, madaxtinimadana inagu aynu hayno, taasuna waxay keeni lahayd inay reer koonfureedku qayliyaan oo ay yidhaahdaan isma dhaqan naqaano, markaa mushkilada meesha talaa waxa weeyaan nimankii waxba qabsan maayaan inaguna waynu ka daba baaba’aynaa, Jabuutina haday berigii inala soo gasho sidaas ayay inoogu daba baabi’I lahayd, markaa anigu waxaan qabaa Afrika oo dhan baa midowday, yurubbaa midowday, midnimadu hadhow way iska iman kartaa, balse hadda inaan la isku habsaamin oo lagu habsaamo nin xashiishad beeraya oo aan ka shaqaynayn dawladdnimo iyo wixii qaranimo lagu heli lahaa aniguna waan ayidayaa wixii aan ka qaban karana waan ka qabanayaa, waayo noloshaydii ayaa ku xidhan, anaguna awal waxaanu qabnay Puntland inay Soomaalida isku keento, haddii awood laga shaqeeyana way awoodi kari lahayd, way suurto gali wayday oo dhaqan baan nakala duway, Somaliland-na maanta waa axsaab bay maraysaa, waana jecelahay inay caalamka ka mid noqoto, waana laga yaabaa inaynu wada hadalno . Laakiin in lagu habsaamo ma aha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this