Sign in to follow this  
Che -Guevara

Taliyaha Ciidanka Police-ka DGPL oo Qarax Lala Beegsaday ka Badbaaday

Recommended Posts

Puntland: Xaalad Qalafsan oo Puntland ka taagan Waqtigan la joogo lehna dhinacyo badan...Warbixin...

13. april 2008

 

 

Puntland(AllPuntland)- Dadka ku dhaqan deegaanada Ismaamulka Puntland ayaa waqtigan la joogo waxaa soo wajahay maalmo qalafsan ,taasoo uga timid meelo kala duwan.

 

Arimahan dadku aadka ula yaaban yihiin ayaa kala Ah Sicir bararka sii socda & Amaanka oo faraha ka sii baxaya ,ayadoo dhamaanba maantadan la joogo la xiray Qaar ka mid ah Goobaha ganacsiga.

 

Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa maanta 100 US,lugu badalanayay (Sadex Malyan & Labo Boqol & Konton Shiling Somalia) ah ayadoo taasna keentay in dad badan ay waayaan meelo ay wax ka gataan.

 

Amaanka Magaalooyinka ayaa sidoo kale isaguna aad moodaa in uu mugdi ku jiro ,inkastoo magaalooyinka qaarkood ay Habeenkii Roondooyin ku maaraan ciidamada amaanka ee Puntland.

 

Xukuumada Puntland ayaa mararka laga hadlayo amaanka waxa ay ku eedaysaa dad leh dano gaar ah ay wadaan falal ay uga soo horjeedaan Nidaamka & Kala danbeynta ka jirta deegaanada ,taasoo aad moodo marka dhinac loo fiiriyo in ay suurtagal tahay balse ma jiraan waxqabadyo dhab ah oo ay Xukuumada Puntland arintaasi ka sameysay.

 

Magaalada Gaalkacyo oo ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn ee Puntland ,kana mid Magaalooyinka ku tiirsan tahay Dhismaha Puntland ayaa amaankeeda aad ay dadku uga cabanayaan.

 

Xiliyada Habeenkii ah ayaa dadka Jidad loo galaa ,waxaa inta badan Laga furtaa waxyaabaha ay wataan oo dhan ,waxaana jira xataa hadii ay Kooxahaasi dadka wax ka waayaan ay dilayaan ,dadkaasna lama yaqaano meelaha ay ka soo baxaan mana jiraan dabagalo ay ku sameeyaan Hay’adaha Shaqada ku leh.

 

Wariyaha AllPuntland ee falanqeeya Arimaha Amaanka ayaa calaamad su’aal saaraya dhibaatada ka taagan deegaanada Puntland ee leh dhinacyada badan ,kana soo horjeeda sii socoshada Horumar ay gaarto Umada ku dhaqan deegaanada Puntland.

 

Wariyuhu wuxuu arimaha Sicir bararka ku tilmaamayaa in ay kala dhalatey Lacagaha fara badan ee lugu sameynayo deegaanada Puntland ,ayadoo taasna ay keentay in deegaanada ay si badan ku galaan lacagtaasi oo dadkana ay ku noqoto mid aan waxba uqaban laneyn.

 

Daraasaad ay Sameysay Shabakada AllPuntland ayaa ay ku ogaatey Ganacsatada deegaanada Puntland ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka heista dadka ku Nool deegaanada Puntland ,ayna qeybta ugu weyn ku leeyihiin Lacagaha Been Abuurka ee ladaabacayo.

 

Arimaha faraha badan ee isku kaashaday dadka ee Ku nool deegaanada Puntland ayaa ku soo beegmaya xili ay Sidoo kale dhaliilo ujeedinayaan Hay’adaha Xukuumiga ah ee Puntland ,kuwaasoo ay sheegayaan in aysan waxba ka qaban arimaha Amaanka & Sicir bararkan sii socda.

 

Dadka Soomaaliyeed ee tagey deegaanada Puntland ayaa hada ku jira Maah-maah ay Soomaalidu horey tiri oo ah “ Ceelna Uma qodna Cidna uma maqna” taasoo ka dhigan sida maanta ka jirta Magaalooyinka Puntland.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Money-printing scam resumes in Puntland

 

 

 

BOSSASO, Somalia Apr 12 (Garowe Online) - A ship loaded with special papers used to mint currency has docked at the port of Bossaso in northern Somalia, Garowe Online can report.

 

The ship's contents were unloaded last Thursday under heavy guard. Sources in Bossaso said the ship had been docked at the port for some time, but was allowed to unload only recently.

 

Gen. Adde Muse, the Puntland leader, had previously banned the minting of counterfeit Somali Shillings after hyperinflation in the region led to street protests.

 

Muse has now allowed the businessmen, who are contracted by the government of Puntland, to resume their illegal money-printing operation.

 

Last month, the ban on money-printing led to armed clashes between angry businessmen and Puntland security forces. Traditional elders had intervened to stop further bloodshed.

 

In Bossaso, locals complained about the exchange rate, which now stands at 3,000,000 Somali Shillings for 100 U.S. dollars.

 

The local price for food and other necessities has also reached new heights, making life difficult for poorer families.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this