Sign in to follow this  
General Duke

Defeated on a Donkey Hiiraale relocates to Gedo end of JVA

Recommended Posts

Baraawe.gifBaardheere: Barre Hiiraale oo ku sii jeeda gobalka Gedo.

22. august 2008

 

Baardheere(AllPuntland)- Xildhibaan Barre Aaden Shire ( Hiiraale) ayaa maanta laga saaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ,wuxuuna caawa ku sii jeedaa Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.

 

Jenanka oo ay Maleeshiyadiisii u awood sheegteen Kooxo ka soo horjeeda Maamulkiisa ,ayaa galinkii dambe ee maanta isagoo wata gaadiid dagaal oo kooban ka baxay Magaalada Kismaayo duleedkeeda ,markii dagaalo xoog leh looga adkaaday.

 

Warar hoose oo ku dhow dhow Xildhibaanka ayaa sheegaya in uu Barre Hiiraale ku sii jeedo Magaalada Baardheerre oo uu ka soo jeedo ,isagoo halkaasi kula kulmaya Odayaasha dhaqanka kalana hadli doona sidii loo siin lahaa ciidamo uu dib ugu laabto Magaalada Kismaayo.

 

Gen. Barre Hiiraale oo dhawaan hadlayay ayaa sheegay in uu dagaal la gali doono Kooxaha ka soo horjeeda maamulkiisa, dagaalkaasi wuu dhacay waana tan maanta Xildhibaanka looga saaray magaalada Kismaayo.

 

Wariye ka tirsan AllPuntland ayaa sheegay in uu Xildhibaanka iyo Ciidamo la socda ,ay ka baxeen Magaalada ayna sii baacsadeen Kooxaha ka soo horjeeda Maamulkiisa.

 

Saarida maanta Gen. Barre Hiiraale & Xubnihii la socdey laga saaray Magaalada Kismaayo ,kama aysan hadlin dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo uu xubin ka yahay Barre Hiiraale, waxa ayna horey usheegtay dawladda Soomaaliya in ay Kismaayo isku hayaan beelo halkaasi dega.

 

Gudoomiyihii gobalka Jubada Hoose Ilyaas Badal Gaboose, Duqa Magaalada Ibraahim Timajilic & dhamaanba xubnihii dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa sannadkii 2007-ba laga saaray Kismaayo ,ayadoo ay ka saareen Maleeshiyo taabacsan Xildhibaan Barre Aaden Shire (Hiiraale).

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer who are the Al-Shabaab or Kismayu.

Its simple the youth of Waamo= Al Shabaab of KISMAYU.

 

As for Xasan Turki, what ever help he gave may Allah reward him and guide him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this