Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Health Ministers Gets His Hands Dirty At Garowe Hospital Renovation (PIC)

Recommended Posts

Cowke   

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Buriskii Dayactirka Isbitaalka Garoowe Ku Dhuftey

 

May 30, 2010

 

 

Isbitaalka Guud ee Garowe oo dayactirkii lagu wadey meel fiican marayo (Warbixin)

 

Garowe: Isbitaalka guud ee Caasimada Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka socota shaqo aad u balaaran oo dib loogu dayactirayo qaybaha kala duwan ee uu Isbitaalku ka kooban yahay.

 

Shaqaale aad u badan ayaa shaqeynaya, waxayna wadaan dib u habaynta dhismayaasha kala duwan ee Isbitaalka, iyadoo durba la qabtey hawl balaaran taasi oo ah iyadoo qaybo ka mid ah Isbitaalka la dhigay Muttleel inta laga burburiyey cagdhigii hore ee bilaa mutuleelka ahaa, waxaana wali socota hawsha lagu burburinayo cagdhigii shamiitaadka ahaa ee Isbitaalka lagu aasaasey taasi oo dildilaacday, waxaana gabi ahaanba dhulka laga qaadey cagdhigii hore iyadoo lagu badalayo cagdhig cusub iyo mutuleel la saarayo Isbitaalka oo dhan cagdhigiisa.

 

Wasiirka Caafimaadka dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi warsame ayaa kormeeray shaqada Isbitaalka ka socota ee dayactirka ah halka ay marayso, waxaana Wasiirku uu ugu tagay Isbitaalka iyadoo ay shaqo socoto isla markaasna uu ku sugan yahay Agaasimaha Isbitalaka Guud ee Garowe Dr. Carabey, waxaana uu agaasimuhu ka warbixiyey halka ay marayso shaqada dib u habaynta ah ee Isbitaalka ka socota.

 

Dr. Carabey waxaa uu sheegay in shaqo balaaran ay ka socoto Isbitaalka taasi oo hadda bilaw ah wax fiicanna la qabtey balse shaqada hartey ay tahay mid aad u tiro badan, waxaana uu agaasimuhu sheegay in dayactirku uu ka dhib badan yahay dhisme cusub oo markaas la dhisayo.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa qolqol u galay qaybaha shaqadu ka socoto waxaana uu soo arkey qaybo Mutuleel lagu cagdhigay iyo qaybo iyagana markaas lagu wado, sidoo kale waxaa socota xoqida darbiyadii Isbitaalka si nuurad ama rinji cusub loo saaro.

 

Wasiirka Caafimaadka ayaa markii looga warbixiyey xaalada Isbitaalka iyo shaqada socota waxaa uu la hadley shaqaalihii shaqada wadey, waxaana uu ugu hanbalyeeyey hawsha balaaran ee ay wadaan taasi oo uu ku tilmaamay mid guud oo ay umada u hayaan, wasiirku waxaa uu ku booriyey shaqaalaha inay hawsha u qabtaan si wadaninimo ah balse aysan u qaban si hakaa dhamaato ah.

 

Markaas kadib ayaa wasiirku waxaa uu qaatey dube dhawr kiilo ah oo lagu burburinayay cagdhigii hore ee Isbitaalka ee qaybta bukaan jiifka, waxaana uu wasiirku burburiyey in door ah isagoo markaasina shaqadaas uu qabtey ku dhiiri galinayay Shaqaalaha hawshan waday uuna u sheegay in iskaa wax u qabso dalkan lagu soo dhisay oo xitaa Isbitaalka lagu soo dhisay markii hore, waxaana uu sheegay in shaqadan ay tahay mida ugu wanaagsan ee la qabto loona qabto dalka iyo dadka.

 

Agaasimaha Isbitaalka Dr. Carabey ayaa isna markiisa qabsadey dubbaha waxaana uu isna sidoo kale burburiyey indoor ah, sidoo kale markaas hawshu waxay noqotey mid la wada bilaabey iyadoo masuuliyiin kale oo Isbitaalka soo booqdey ay iyaguna markooda dubbaha iyo badeelada qaateen, waxayna sheegeen inay soo xasuusteen barisamaadkii xiligii Iskaa wax u qabso wax lagu dhisi jirey iyadoo qaarkood sheegeen inay Iskuulo iyo xeryo ciidan kusoo dhiseen iskaa wax u qabso.

 

Isbitaalka guud ee Garowe ee Caasimada Puntland ayaa dayactirka waxaa lagu bilaabay [19-May-2010] waxaana xiran qaybaha Isbitaalka marka laga reebo qaybta gargaarka degdeg ah oo loogu talagalay in ay qabato hawlaha degdeg ah ee aan Isbitaalka looga maarmi karin, bukaankii Isbitaalka ayaa la dhigey xaruntii hore ee Wasaaradda Caafimaadka ee bartamaha Caasimada Garowe, waxaana halkaas ay hadda tahay xarun MCH oo hooyada iyo dhalaanka loogu talagalay, bukaanka la dhigay xaruntan ayaa si kumeel gaar ah ugu sugnaan doona inta laga dhamaystirayo Isbitaalka guud ee Garowe.

 

 

Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Xarunta Garowe

 

Wasiirka-oo-dube-la-dhacaya-cagdhigii-ho

 

Isbitaalka-Garowe1.jpg

 

isbitaalka-Garowe2.jpg

 

Qaar-ka-mid-ah-qalabkii-ISbitaalka-oo-la

 

Shaqada-laga-qabtey-Isbitaalka-oo-muuqat

 

Wasiirka-Caafimaadka-oo-burburinaya-cagd

 

Wasiirka-iyo-Agaasimaha-Isbitaalka-oo-du

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this