Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Sheikh Cali Dheere on the WFP suspension of operations in Somalia

Recommended Posts

Sheekh Cali Dheere: ’WFP markeedii horeba Ilaahey ayey Razzaaqnimada kula loolameysay ee shacabkeenu gaalada uma baahnee ha isku tiirsado'

 

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xaqiijiyey in go’aankii shalay ay hey’adda Cunnada ugu qaabilsan QM ee WFP ay ku joojisay howlaheedii Koofurta Somaliya ay muujineyso cadaawadda ay la ciil qabeen, isla markaana aan looga baahneyn dhulka Muslimka ah haddii aysan u hogaansameyn nidaamka shaqo.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in markii hore WFP ay Ilaahey SWT ay Razzaaqnimadiisa kula loolameysay iyadoo sheeganeysay ama magaceedu uu ka turjumayo in adduunka cunnaddiisa ay iyadu qaabilsan tahay, balse waxaa uu tilmaamay sidaasi oo ay tahayna haddii ay wax u qabanayaan dadka in aan laga hor istaagin.

Afhayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa uu hoosta ka xariiqay in WFP ay ku amreen galleyda ay dibadaha ka keento in ay ka iibiyaan beeraleyda Somalida ah si markaasi beeraleydeenu ay u faa’idaan, dhiiragalina ay u noqoto wax beerashada balse ay arrintaasi ka biya diiday WFP oo muujisay cadaawadda gaalada iyo aysan Muslimiinta waxba u ogoleyn.

‘’Waxay rabtaa WFP in beeraleyda Mareykanka ay inooga keento Galleyda ka baxda beeraheena kadibna ay ku jabiso zaracii beeraleydeena si shacabku u noqdo mid faqri ah oo aan wax beeran, laakiin inagu waxaan ku amarnay galleyda in ay ka iibsadaan beeraleydeena oo ay ka qeybiyaan markaasi meelaha ay rabaan, taas ayaana inoo faa’ido badan inoogana wanaagsan cunto ahaan kuwo ay inooga keenaan Mareykanka” sidaasi waxaa yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxa uu intaasi raaciyay baaq uu u jeediyay shacabka Somaliyeed oo uu yiri:

‘’waxaan leeyahay shacabkeena Ilaahey kaliya aan Irzaaqad weydiisano, inaga aan isku tiirsanaano oo waxba yaan gaalo gacan ka sugin, aan beerano dhulkeena aan kheyraatkeena lasoo baxno, Gaalo Ilaahey mana inoo baahneysiine”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this