Jacaylbaro Posted June 3, 2008 Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland mudane Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta soo gaadhay magaalada Garoowe mudo ka badan 2 bilood kadib oo uu safar ku kala bixiyey qaaradaha aduunka,waxaana Cadde uu ay ka muuqato dar dar cusub uu ka hadlay arimo badan oo ku saabsan nabad gelyada magaalooyinka maamulkaas. Cadde ayaa waxa uu shegay in intii uu baadhitaan shidaal ku mashquulsanaa nabadii faraha ka baxday,hadana ayba joojinayaan soo saarida shidaalka inta nabada wax laga qabanayo. Cadde ayaa sidoo kale sheegay in wasiirada dawladiisu yihiin kuwa dhibaatadaba wada oo nabd gelyo xumada abuuraya,wuxuuna sheegay inaanu mar kale u dul qaadan doonin. "In badan baan iska hadlaye marakan waa iga dhab,oo nabad gelyada gacan adag baan ku qabanaynaa"ayuu si cadho leh u yidhi Cadde oo qiray in wakhtigii hore hadaladiisu iska ahaayeen kuwo uu iska odhan jirey,hadase kani dhab yahay. Cadde ayaa sheegay in qorshuhu ahaa maanta in bishii labaad ay ahaan lahayd oo Cococo shidaalka qodayso,balse dad rabshad wadayaal ahi ay "Dhalooyin" ku jajabiyaan meeshii shidaalka laga qodi lahaa,oo ay hor taagan yihiin in shidaala la qodo. Hadalka Cadde ayaa ahaa mid ku wajahan beesha Ciiise Maxamuud,kuwaas oo ka hor yimid qorshada Cadde wato ee shidaalka lagu baadhi lahaa gobolka Nugaal. "Maalintaad u sacbineysen wiilasha dhalada ku jabinaya wadada waad qaban weyseen, hadaan amni jirina cidna imaan meyso, wixii kalena waan joojinay, shidaal iyo macdan la baarayana ma jiraan,Wax macdan ah oo aan baareyno ma jirto, hadii nabad la waayana cid idiin imaaneyso ma jirto, maxaa yeelay, dhalinyaradii dhalooyinka jabinayey waad u sacbineyseen" ayuu yidhi Cadde Muuse oo reer Garoowe u sheegay inaanu shidaal u qodayn. Cadde Muuse ayaa sidoo kale ka hadlay magaalada Laascaanood oo uu sheegay inay haystaan dad kale oo aan u dhalan gobolka,wuxuuna balan qaaday inay soo celin doonaan magaaladaas,oo ay awooda saari doonaan arintaas,isaga oo aan ka bixin wax faahfaahin ah sida uu u soo celin doono. Gen Cadde ayaa hada ka hor sidan oo kale sameeyey balan qaadyo uu si dhakhso ah ugu soo celin doono Laascaanood gacanta maamulkiisa, taasoo aan qabsoomin.Waraysiga Cadde oo laga ii daayey TV-ga Universal ayaa waxa Cadde hadalkiisa ku soo gebegebeeyey."Mar walba balan qaad baan samaynaa,mana fulino"arintaas oo ninba si u qaatay. Afnugaal News Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 3, 2008 Cadde ayaa waxa uu shegay in intii uu baadhitaan shidaal ku mashquulsanaa nabadii faraha ka baxday,hadana ayba joojinayaan soo saarida shidaalka inta nabada wax laga qabanayo. Cadde ayaa sidoo kale sheegay in wasiirada dawladiisu yihiin kuwa dhibaatadaba wada oo nabd gelyo xumada abuuraya wixii kalena waan joojinay, shidaal iyo macdan la baarayana ma jiraan,Wax macdan ah oo aan baareyno ma jirto ."Mar walba balan qaad baan samaynaa,mana fulino" Quote Share this post Link to post Share on other sites