Sign in to follow this  
Jabhad

Masar oo diidey ciidan la geeyo Somalia

Recommended Posts

Jabhad   

Wararka

 

Masar oo diidey ciidan la geeyo Somalia

31 Jan 31, 2007, 09:08

 

Dowlada Masar oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa gabi ahaanba diiday in ciidamo Afrikaan ah la geeyo dalka Somalia.

 

 

 

Axmed Abul-gheyt Wasiirka Arrimaha Dibada Masar ayaa sheegay inaysan marnaba raali ka noqon doonin in ciidamo ka tirsan Dalalka Africa ay gaaraan Somalia.

 

"Waxaan filayaa inaysan wax nabad ah Somalia ka keeni karin ciidamada Afrikaanka ah, hadii ay Somalia tagaan iyadoo aan hubno in iska horimaad lagala horimaan doono," ayuu yiri Axmed Abul-gheyt.

 

Axmed Abul-gheyt waxa uu sheegay in marka hore ay waajib tahay in dalka Somalia laga hirgaliyo howlaha nabadeynta dhinaca siyasada ah taasoo suurto galinaysa in dhamaan kooxaha Soomaalida ay ka qeyb qaataan xukuumadda iyo maamulka bulshada.

 

"Dowlada Masar kama qeyb qaadan doonto ciidamada Afrikanka ah ee Somalia la geynayo," ayuu yiri Axmed Abul-gheyt.

 

Axmed Abul-gheyt waxuu sheegay in Masar ay ciidamo u diri doonto Somalia hadii dadweynaha Soomaaliyeed ay isku raacaan in ciidamo la geeyo Somalia.

 

Hadalka Masar ayaa kusoo beegmay xili dhawaan la filayo in ciidamo ka socda Dalalka Midowga Afrika ay soo gaaraan wadanka Somalia.

 

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

“Somaliya Maahan Meesha aad u Taamaadeen inaad ka kasbataan Mushaar ee waa Halkaad ku Dhiman laheydeen Mushaarka aad u timaadeen inaad Raadisaan Waxaad u Isticmaali Doontaan Tirisboor aad ugu laaban laheydeen gur yihiina.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this