Sign in to follow this  
General Duke

South Africa will support Somalia

Recommended Posts

Madaxweynaha Dalka K/Afrika oo ka hadlay codsiyo dhowr ah oo uu u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya

 

Axad, February 27, 2005 (HOL)@6:00GMT: Madaxweynaha dalka K/Afrika Mr. Thabo Mbeki oo dhowaan ka hadlayay Taleefashinka SACB ee ku yaala dalkiisa ayaa sheegay in codsiyo dhowr ah ay uga yimaadeen madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisii ee ay ku kulmeen shir madaxeedkii Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

 

Mr. Thabo Mbeki waxaa uu sheegay in ay madaxda dowladda Soomaaliya ka codsadeen in ay dowladda K/Afrika ka qeybqaadato dhameystirka dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla markaana uu ka ogolaado in ay Wufuud ka socoto dowladda Federaalka Soomaaliya u soo direen dalka Koofur Afrika, si ay khibrad iyo waayo aragnimo uga qaataan nidaamkii dib u heshiisiineed ee uu soo maray dalkiisa oo guul weyn laga gaaray.

 

Madaxweynaha K/Afrika waxaa uu xusay in uu dhamaan codsiyadaas ka aqbalay madaxda dowladda Soomaaliya, wuxuuna Mr. Mbeki xiligaas iska fogeynayay su'aal ahayd in barnaamijyada uu ka dhex wado Qaaradda Afrika ay yihiin kuwo uu dhaqaale uga doonayo dalalka reer Galbeedka, isagoo tusaale u soo qaatay arrinta Soomaaliya oo uu Wariyayaasha weydiiyay bal dhaqaalaha ka soo geli kara howshaas ay u qabanayaan Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this