General Duke Posted February 10, 2008 Jaangali oo ka hadlay shirkii Wasiirada arrimaha dibedda ee IGAD Nairobi (WNT)-Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG ah, Cali Axmed Jaamac Jangali, oo ka mid ahaa xubnaha golaha wasiiradda ee IGAD ee ku shiray Nairobi ayaa wareysi uu bixiyay uga waramay arrimaha shirkaasi looga hadlay. Wasiirku waxa uu sheegay in arrimaha ugu waaweyn ee shirka IGAD ay ku saabsanaayeen xaaladaha ka taagan Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirku waxa uu sheegay in go'aanada shirka IGAD ay ahaayeen, sidii tallooyin loo siin lahaa dhinacyada dowladda Kenya iyo mucaaradka sidii xal loo gaari lahaa iyo sidii loo sii dhiiri gelin lahaa kooxda dhexdhexaadinta wada ee uu hogaaminayo Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan. Cali Axmed Jaamac Jangali, waxaa sidoo kale uu ka hadlay arrimaha Soomaaliya, iyo shir ay la qaateen xubnaha deeq bixiyeyaasha iyo QM ee ku sugan Nairobi, oo uu sheegay in shirkooda lagu go'aansaday miisaaniyad loogu tala galay hawlaha dowladda oo dhan ilaa iyo dhawr iyo toban milyan oo Dollar. Waayaha.net+Al-Carab editor@waayaha.net Quote Share this post Link to post Share on other sites