Sign in to follow this  
General Duke

Clan courts and Juba's ...murders heartbreak

Recommended Posts

Qabsashadii Maxkamadaha Islaamigaa ee Gobollada Jubbooyinka oo Waji Cusub lasoo baxday!

 

bbcr.JPG

 

Tan markii maxaakiimta islaamku qabsadeen magalada kismaayo iyo gud ahaanba gobolada jubooyinka ayaa waxaa ka dhacay deegaankaasi falal dambiyeed ku fool xun diimaha ,dhaqamada iyo dareenka aadanaha dunida kunool

 

Falalkaas oo dhacay in kaban dhowr jeer kuna soo aaday xili ay deegaankaas gacanta ku hayaan midowga maxaakiimta islaamka oo iyaga laga urinayey akhlaaqdii iyo dhaqankii suubanaa ee diinteena islaamku lahayd

 

Kadib markii ay midowga maxaakiimtu la wareegeen Gacan ku haynta magaalada istiraatijiga ah ee kismaayo oo ay in mudo ah maamulayeen isbaahaysigii dooxada juba ayaa waxaa magalada kusoo batay dilalka loo geysanayo shakhsiyaad magac ku leh bulshada isla markaasna kazoo jeeda beesha wasiirka gaashaandhiga falalkaas oo sida la xaqiijiyey ay ka dambeeyaan ama geysanayaan qaar ka mid ah beelaha horboodaya maamulka maxaakiimtu u magacaabeen gobolada jubooyinka beelahaas oo ka faaiideysanaya aanooyin ay aaminsanyihiin in beesha wasiirka gaashaandhigu hore uga galeen xiligii ay gacanta ku hayeen magalada kismaayo .

 

Mudo laga joogo seddex habeen ka hor ayaa gurigeeda loogu soo galay hawaaneey lagu magacaabi jirey xaawo muuse oo ay dhowr nin oo wajigooda dabooley rasaas ooda kaga qaadeen haweeneydaas taaso noqotay dhaqan cusub oo aan lagu aqoon qolyihii dhowrka jeer kala qabsadey magaladaas

 

Inkastoo aan la hayn xaqiiqda weerarkaas hadana waxaa dadka qaarkiis sheegayaan inay marxuumad xaawo muuse laga yaabo inay dacwad ka dhan ah maleeshiyaad maxakiimta u gudbisey madaxdooda dacwadaas oo mujineysey inay qaar ka tirsan beelaha horboodaya maxaakiimtu ay ka haystaan hanti ma guuraan isla markaasna ay dooneyso in looga saaro nimankan xooga ku haysta hantideeda arinkaas oo sababay nafteedii qaalig ahayd ku weydo

 

Sidoo kale waxaa dhowr beri ka hor magalaada bu’aale lagu dilay shan nin oo dhaawac ahaa oo iyagu ka tirsanaa maleeshiyadii barre hiiraale kadibna markii ay dhaawacmeen loo soo qaaday bu’aale si loogu daweeyo waxaana shanta nin ee dhaawac ahaa ugu soo goolay cusbitaalkii lagu daaweynayey qaar ka tirsan maleeshiyooyinka maxaakiimta islaamka ee jooga degmada bu’aale kuwaas oo dhaawac tirey arintan argagaxa ah ee ka dhacday goob ay gacanta ku hayaan midowga maxaakiimta islaamka isla markaasna ay geysteen qaar ka tirsan maleeshiyooyinkooda ayeysan midowga maxkamaduhu talaabo adag ka qaadin marka laga reebo hadalo ay saxaafado ka yiraahdoo oo ah cadaalada ayaa la hor keeni doonaa cidii falkan geeysatey taaso 16kiii sano ee dowlada la’aanta soomaalida caado u noqotay inay yiraahdaan cadaalada ayaan hor keeni donaa cidii falkan geeysatay

 

Dad badan ayaa maxkamadaha ka quud dareynayey inay shantaas nine e dhaawaca ah ula dhaqmi doonaan sida ku iyaga ka dhaawacmay oo kale oo ay u qaateen Magaalda Nairobi

 

Qof goobjooge ah oo aanu laxariirnay ayaa noosheegay sida Arrintu u dhacday isagoo ku bilaabay: Ciidankii Maxaakimta ee qabsaday Buu’aale waxay isugu jireen Ciidammo ka kala socday Deegaamada Jubbooyinka iyo kuwii laga keenay Muqdisho, Markii la ogaaday in laga awood roonaaday Barre hiiraale islamarkaasna uu isaga baxay Gobolladaas ayey Ciidankii Muqdisho ka yimid ee maxaakimtu u wareegeen Dhinaca Buurhakaba, waxaana Buu’aale kusoo haray Ciidankii Maxaakim ta oo kasoo jeeday Beelaha ******, arrintaas oo keentay inay Maleeshiyooyinkii Maxaakimta ee beelaha ****** sooboqdana Cisbitaalkii ay yaaleen Shanta Nin ee Dhaawacaa islamarkaasna ay yiraahdaan Raggaani waxay naga qabeen Rag hore ee waa in la is raaciyo Naftana laga wada rido!..

 

Isku soo wada duuboo Marka la eego Sida ay Beelaha Masuulka uga ah Jubbooyinka iyo sida ay uga aarsanayaan Beelihii Laga adkaatay iyo sidoo kale marka la eego sida aysan Madaxda Sare ee Maxkamaduhu Tillaabo rasmiya oo Wax ku oola uga qaadanayn waxaa Arrintaani hoosta ka xarriiqaysaa Inaysan Maxkamaduhu Dhaami doonin Qabqablayaashii horey waddanka uga talin jiray kuwaasoo Dadka qaab qabiil isaga horkeeni jiray.

 

webmaster@allmudug.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Historically reerkan hadda wax laynaya waa lagu yaqaanaa shaqooyinkan oo kale. Waad xasuusata the infamous Cumar Jees, adeer reeruhu waa is-yaqaanaan maxayse kuugu taala biilka ha iska baxshaan ama debt-collector aa usoo socda :eek: raggaan qaantooda ragga Xamar looma haysto!

 

 

Amay u fiican tahay inta soo qabtaan raggii raggaas laayey inaay hadda toogtaan, dabkuna halkaa ku damo haddii kale yaah waxan maqli jiray..

Qaan MR waa qaaxo kugu maqan adiga & Tolkaa waa hee .......

 

Ayaga lee waaye noo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this