Jacaylbaro Posted July 25, 2007 hadhwanaag 2007-07-24 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta soo saaray digreeto Madaxweyne oo uu ku kordhiyey tiradii Garsoorayaashi hore Maxkamada sare ka koobnayd oo uu magacaabay afarta garsoore oo cusub oo ka mid noqondoona Garsoorayaasha Maxkamada sare ee JSL. isla markaana kordhinta garsoorayaasha Maxkamada sare ayaa lagu sababeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo Garsoorayaasha Maxkamada maadaama kiisaska inta badan ka dhaca gobolada dalka loo baahdo ilaa shan garsoore inay kiiski kaliya ay galaan. Sida waxa lagu sheegay war-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Riyaale Kaahin Isagoo tix galinaaya baahida loo qabo tirada xubaha garsoorayaasha maxkamada sare oo la kordhiyo madaama kisaska dilka ahi inta badan gobolada dalka ka dhacaan markaasna looga baahdo shan garsoore in ay kiskii kaliyaba galaan. Isla markaana ay daruuri noqotay in ay joogto ku noqdaan mar kasta shan garsoore ama ka badan maxkamada sare ee Hargeysa. Madaxwaynuhu markuu garwaaqsaday in maxkamada sare dhowr gobol mar kaliya looga baahan karo dhowr gobolna in ay ka soo fuliso kisaskaas. Madaxwaynuhu isagoo isla markaana tixgaliyay soo jeedinta gudoomiyaha maxkamada sare iyo Wasaarada Cadaalada kuna qancay in ay hanan karaan xilka garsoornimo, waxa uu go’aan saday in uu u magacaabo garsoorayaasha maxkamada sare ee JSL danayaasha ay ka mid yihiin. 1. Axmed Diiriye Qaalib 2. Maxamed Yusuuf Caynaan 3. Showqi Cilmi Cali 4. Cismaan Xuseen Khayre” Quote Share this post Link to post Share on other sites