Sign in to follow this  
Cige

All Somalian problems have been solved by President's Generosity $80 million

Recommended Posts

Cige   

Viva Presidente ;)

 

Madaxweyne Darmaan oo Barwaaqo ku fatahay Somalia

 

Mogadishu 20 April 2009 Waagacusub Media.

 

Cabdi Nuur Darmaan oo boqolaal ka mida taageerayaashiisa ay sanado ka hor Mogadishu ugu caleema saareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia ayaa markii ugu horeysay barwaaqo balaaran oo horumarineed ku fatahay Somalia,mar uu Saxaafadda kula hadlay Mogadishu

 

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

 

Cabdi Nuur Darmaan wuxuu Saxaafadda u akhriyay shan iyo toban qodob oo dhamaantood ka turjumayo masuuliyad dowladeed iyo horumar daleed,wuxuuna tilmaamay inuu qorshayaasha dowladiisa ugu talo galay lacag gaareeysa sideetan Milyan oo dollarka Mareykanka .Dhageyso qodobada Shirkiisa Jaraa'id

 

 

Mr Darmaan wuxuu xusay inuu lacago mushaara siinayo dhamaan dadkii ku waxyeeloobay difaacida Qaranimadda Somalia isagoo sidoo kalena ka dhawaajiyay in beeraleeyda dowladiisa ka iibsan doonto dalagyada laga iibsan waayo marka ay soo go-aan.

 

 

Xoogaga Muqaawimada ayuu sheegay in dowladiisa ay u bilaabeyso Mushaaraad culus oo ku filan nolol maalmeedkooda.

 

Mar uu ka hadlayay dhaqaalahooda wuxuu Weriyeyaasha tusay lacag cusub oo uu sheegay in lagu bedelayo lacagta Somalia.

 

Madaxweyne Darmaan wuxuu xusay in dhaqaalaha faraha badan ee dowladiisa Jamhuuriga bixineysa uu ka helay dowlado waaweyn ,uuna kala hadlay sidii Somalia loo badbaadin lahaa.

 

Mar la waydiiyay aragtidiisa dowladda Shariif Sheekh Ahmed ee heysata aqoonsiga beesha caalamka,wuxuuba meesha ka saaray inuu dowladnimadeeda garwaaqsan yahay isagoo ku af gobaadsaday "waxaanu ka maqalnaa idaacadaha"

 

Dad badan ayaa mudo ka shakisnaa Mr Darmaan dhaqaalaha faraha badan ee uu bixiyo meesha uu ka helo hasse yeeshee marka hadalkiisa la dhageysto waxaa uu noqon karaa mid uusan ka been sheegin maadama lagu bartay ka dhabeeyn balanqaadyo hirgelay.

 

Mr Darmaan wuxuu Xabsi ku yaal dalka Turkiga ka sii daayay shan boqol oo tahriibayaal Somalia kuwaas oo dhibaato xoogan ay heysatay,hadana dhamaantood ku nool dalka Yurub.

 

Lama runtii Darmaan ololahii balaaran cidda ku garab taagan hasse yeeshee waxaa uu mar walba ku adkeeystaa inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia,waxaana xanta ugu badani ay tahay" Lacagaha uu faraqo ee Malaayiinta dollara halka uu ka helo"

 

Lacagta cusub ee Xisbigiisa dowladeed geeyay Somalia dowladda cusub kama hadlin wuxuuna ka dejiyay garoonka Mogadishu isagoo boorsooyin ku sida laakiin shirkiisa Jaraa'id kadib ayey isweeydiini ka jirtaa waxay dowladda uga jawaabi doonto.

 

Sideetan Milyan oo dollar maaha lacag sahlan oo waxaaba la rumeeysan yahay inaysan heli karin dowladda aqoonsiga heysata ee Shariif Sheekh Ahmed laakiin Mr Darmaan wuxuu leeyahay qorshaha dowladeyda wuxuu soconayaa boqol maalmood oo kadibna waxaan bilaabeeynaa horumarinta dalka sida dhisida wadooyinka,kaabayaas hii ilaha dhaqaalaha,adeega buslahda sida Caafimaadka,Waxbaras hada iyo sugida amniga.

 

Waa arrin culus in Somalia ay ka jiraan dowlado badan iyo Madaxweyneyaal badan balse sheekada ugu xiisaha badan waxay tahay in Cabdi Nuur Darmaan loo tiriyo boqolka maalmood si loo kala ogaado kalaamu leeyl wa kalaamu nahaar waxay ku dambeyn doonto barwaaqada uu afka uun kaga fatahay Somalia. [

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this