General Duke Posted August 2, 2008 Madaxweynaha Soomaaliya oo maamulka Puntland ku dhaliilay in uu ka gaabiyay adkeynta amaanka Gobalada Puntland.Daawo Sawirada Booqashadii Madaxweynaha Exculisive Madaxweynaha Jamhuuriyada federalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo maanta gaaray magaalad Garowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyay xarunta baarlamanka Puntland,waxaana khudbadiisaasi uu inta badan kaga hadlay arrimaha amaanka ee gobalada Puntland oo baryihii u dambeeyay sii xumaanayay..Halkan ka Dhageyso qudbadii Madaxweyne C/llaahi Yusuf Axmed ..Halkan ka Dhageyso qudbadii Madaxweyne Cade Muuse Xirsi Boqor Madaxweynaha ayaa ku canaantay maamulka Puntlnad ee uu hogaamiyo Cadde Muuse in uu ka gaabiyay wax ka qabashada xaaladaha amaan darro ee dhawaanahan la dagay gobalada Puntland oo marka la bar bar dhigo Soomaaliya inteeda kale lagu amaani jiray amaanka laakin hada amaanku uu faraha ka baxay. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federalku aanay ogolaan kareyn amaan darrida ka jirta gobaladan oo uu eedeedana u xambariyay maamulka uu hogaamiyo cadde,waxaana uu maamulka ugu baaqay in uu la yimaado is badal dag dag ah oo xaga amaanka la xiriira. Dhanka kale madaxweynaha Puntland General Cadde oo isna halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulkiisu uu qabtay intii karaankiisa ahayd hadana uu ku dadaalayo sidii xaalada amaanka dib gacanta loogu dhigi lahaa. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wali sii wada kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta maamulka Puntland ee uu ugu horeeyo Cadde muuse,iyadoona booqashada uu maanta ku tagay Garowe ay madaxweynaha Jamhuuriyada u tahay markii ugu horeysay muddo sanad ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites