Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: up to 30 civilians feared dead in last 24 hrs:

Recommended Posts

Qasaaro hor leh oo ka soo baxaya duqaymihii iyo dagaaladii xalay ilaa saakay ka dhacayay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Posted: 8/21/2009 2:33:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Qasaaro hor leh ayaa ka soo baxaysa duqaymihii iyo dagaaladii xalay ilaa saakay ka dhacayay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

 

Kadib dagaalo iyo duqaymo ka dhacay Magaalada Muqdisho 24-kii saac ee ugu danbeeyay ayaa waxaa isa soo taraya qasaaraha ay gaysteen dagaaladaasi waxaana Isbitaalada waaweyn ee ku yaala Magaalada Muqdisho la gaarsiiyay dadkii ku dhaawacmay dagaaladaasi iyo duqaymihii isbarbar socday ee ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

 

Isbitaalka Madiina oo kamid ah Isbitaalada la gaarsiiyo dadka ku dhaawacma dagaalada iyo duqymaha ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa saakay oo kaliya waxaa la gaarsiiyay ilaa 22-ruux oo ku dhaawacmay dagaaladii iyo duqamihii saakay ka dhacay degmooyinka Hodan, Howlwadaag,Wardhiigl eey iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

 

Madaxa caafimaadka ee Isbitaalka Madiina Duniya Cali Maxamed ayaa warbaahinta u sheegtay in Isbitaalka saakay oo kaliya la gaarsiiyay 22-ruux iyadoona sheegtay in Isbitaalku ay xalay ku waabariisteen tiro dhaawacyo ah oo gaaraya 142-ruux kuwaa oo dhamaantood ku dhaawacmay dagaalada iyo duqaymaha maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

 

Inata la ogyahay duqaymihii iyo dagaaladii ka dhacay Xalay ilaa saaka qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeryooday inkabadan 20-ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa 60-ruux.

Si kastaba ha ahaatee xilliyada dagaalada iyo duqaymaha ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho ayaa wax yeelada ugu badan waxa ay ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal mar kale saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho

 

Jimco, August 21, 2009(HOL): Dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday.

 

Dagaalkan ayaa muddadii uu socday waxaa la isugu adeegsaday hub aad u xooggan, wuxuuna ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan kuwa Waqooyi ka xiga Waddada Makka Al-Mukarrama.

 

Dagaalkan oo ay soo qaadeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ayaa wuxuu la xiriiray dagaallo xiriir ah oo shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka dhacayay Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalladaasna ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

 

Dagaalkan saaka dhacay iyo dagaallo iyo duqeyn shalay ilaa xalay fiidkii hore ka dhacayay magaalada Muqdisho ayaa waxay geysteen dhimashada dad ka badan 20 ruux iyo dhaawaca dad kale oo ku dhow 50 ruux, waa sida ay xaqiijiyeen saraakiisha gaadiidka gurmadka ah ee Ambulance-ta iyo dad goob-joogayaal ah.

 

Dagaalkan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay subaxnimadii ay ciidamada Amisom ka baxeen xerooyinkii ay ku jireen kaddibna ay gaareen Waddada Warshadaha, inkastoo ay mar dambe dib ugu soo noqdeen fariisimadooda.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caadi ka noqday dagaallada iyo duqeynta ay is-weydaarsadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga hubeysn ee ka soo horjeeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in khasaaraha dagaalladaas ka dhasha ay inta badan soo gaaraan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dozens killed in Mogadishu fighting

 

Residents said most of the 62 people killed in the clashes were civilians [AFP]

 

At least 24 people have been killed in the Somali capital of Mogadishu after Islamist rebels fought Somali government and African Union troops for a second day.

 

Residents hid in their homes as mortar bombs fired by fighters from al-Shabab, the group battling to remove the government, hit the city on Friday.

 

Six people died when mortars exploded as traders were setting up their stalls in a market.

 

Another 18 corpses were recovered after the attacks, ambulance staff said.

 

"Hundreds of well-armed insurgents came to our district with minibuses and pick-up trucks and immediately they started firing towards the government troops and an African Union base," Mogadishu resident Abdi Haji Ahmed said.

 

Rebels 'provoked'

 

"We have been ducking under our concrete balcony for hours."

 

Al-Shabab spokesman Sheik Ali Mohamud Rage said his forces retaliated against the African Union troops for earlier rolling into rebel-controlled areas.

 

"They provoked us by coming into our areas, so we have a right to attack them in their bases," Rage said.

 

The government and African Union had no immediate comment.

 

The attacks came a day after 40 people, mostly civilians, died as the two sides sought to gain ground in strategic towns.

 

Violence and anarchy

 

The fighting began on Thursday in Bula Burte, about 210km north of the capital, when government soldiers moved into the town controlled by al-Shabab.

 

The US says al-Shabab, which is fighting to remove the current transitional federal government and impose sharia, or Islamic law, has ties to al-Qaeda, a claim the group denies.

 

About 4,000 African Union peace keepers from Burundi and Uganda are stationed in Mogadishu to protect government installations.

 

They have occasionally clashed with al-Shabab fighters as they try to ward of the fighters' advance.

 

Somalia has been ravaged by violence and anarchy since warlords overthrew Mohamed Siad Barre, a former dictator, in 1991, before turning on each other.

Share this post


Link to post
Share on other sites

20 qof oo ku dhintay dagaalo ka dhacay Muqdisho

August 21, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0) Horseed Media

Muqdisho, Banadir

 

Magaalada Muqdisho ayey xalay iyo maanta oo Jimce ah ka dhaceen duqeymo ay is weydaarsadeen ciidamada AMISOM iyo xoogaga hubeysan ee ka dagaalama magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan la isu adeegsaday madaafiicda hoobiyaha bartamaha magaalada Muqdisho, ayey xarumaha caafimaadka xaqiijiyeen inay ku dhinteen ugu yaraan 20 ruux, halka 40 qof dhaawacyo kale gadisan ay soo gaareen.

 

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa u badan kuwo ka dhashay madaafiicda magaalada dhexdeed lagu tuuray oo intooda badan haleelay guryo ay dad rayid ah degen yihiin.

 

Duqeymihii xalay ayaa yimid kadib markii shalay ay ciidamada AMISOM balaariyeen roondooyinka ay ka sameeyeen jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho, iyo nawaaxiga Ifka Xalane, goobahaasi oo fariisimo u ahaa xoogaga mucaaridka hubeysan ee ka dagaalama magaalada Muqdisho.

 

Xalay ayey xoogaga hubeysan madaafiic ku tuureen xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo ciidamada Dowlada kuwaasi oo ayaguna dhinacooda uga jawaabay duqeymo lala beegsaday goobihii ay tuhmayeen.

 

Duqeynta ayaa saaka oo Jimce ah sii socotay, ayadoo shacabka magaalada Muqdisho oo maanta isu diyaarinayey salaada Jimce iyo bisha barakeysan ee Ramadaanka ee beri ku beegan, ay qaarkood naftooda ku waayeen dagaalada kasii socda Muqdisho.

 

Kooxaha hubeysan ee Al Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday ciidamada AMISOM ayagoo iska soo dhigay dad rayid ah oo soo qaatay gaadiidka Basas ah, isla markaana rasaas ood uga qaaday ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

 

Ma jiraan wax khasaaro oo gaaray ciidamada AMISOM sida laga soo xigtay afhayeenkooda.

 

Kooxaha ka dagaalama Muqdisho ayaa horey u sheegay inay sii xoojin doonaan weeraradooda xiliga bisha barakeysan ee Ramadaan oo ku beegan beri oo sabti ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:30-qof ayaa ku geeriyootay 70-kalena wey ku dhaawacmeen duqeymihi iyo dagaaladi Muqdisho ka socday

21. august 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )Ku dhawaad 30-qof ayaa geeriyootay 70-kalena wey ku dhaawacmeen dagaaladi iyo duqeymihi xalay iyo saaka ka soconayey Caasimada Muqdisho.

 

Dagaaladan oo u badnaa madaafic la isku adeegsanayey ayaa waxaa si weyn ay dhibaato uga geysteen degmooyinka Hawlwadaag , Hodan iyo Waabari .

 

Afhayeeno u kala hadlay Al-Shabaab iyo dawladda ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalki maanta oo khasaarihi ugu badna uu dadka rayidka soo gaaray.

 

Shiikh Cali dheere Afhayeenka Al-Shabaab ayaa guulo ku tilmaamay dhinacooda ay gaareen khasaaraha cad ee gaaray maatida , waxaana sidoo kale Afhayeenka ciidamada DarawishtaQeylo uu isna saxaafada u sheegay in duqeyimihi ay geysteen ay la heleen goobo u calaameysnaa.

 

Marka laga tago sheegashada labada dhinac ma jiro guulo cad oo muuqda , waxaana aad u yar khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

 

Dagaalada iyo duqeymaha caasimada ka dhaca ayaa khasaarahooda waxaa inta badan ay ku dul dhacaan shacabka lagu dul hardamo.

 

xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: 31 dead in Mogadishu battles and bombs

21 Aug 21, 2009 - 10:38:41 AM

 

MOGADISHU, Somalia Aug 21 (Garowe Online) - At least 31 people were killed and over 100 others wounded in a series of street battles and bombardment in the Somali capital Mogadishu since Thursday night, Radio Garowe reports.

 

The violence continued into Friday morning, after suspected insurgents attacked Somali government forces and African Union peacekeepers (AMISOM) based around Mogadishu's KM4 square.

 

"Many shells hit Bakara Market and I saw 12 dead bodies, who died inside a restaurant," said a witness at Mogadishu's Bakara, the country's largest marketplace and a notorious stronghold for insurgents.

 

The dead bodies of three insurgent fighters were displayed by government soldiers at Taleh intersection in Hodan district, witnesses said.

 

Medical sources throughout Mogadishu's hospitals and clinics reported that more than 120 wounded persons were admitted since last night.

 

The eruption of renewed hostilities in Mogadishu comes days after the Somali federal parliament approved the government's request to enact a state of emergency across the country. READ: Federal lawmakers approve state of emergency law

 

Separately, fighting in other regions of south-central Somalia continued between insurgent groups, like Al Shabaab, and government forces and their allies, including the Ethiopian-backed Ahlu Sunnah Wal Jamee'a faction.

 

Hardliners like Al Shabaab and another faction, Hizbul Islam, control large sections of Mogadishu and other regions of south-central Somalia.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this