Land_Soldier Posted September 6, 2010 Let me introduce you to the possible new leader of the opposition, the Lion of Hargeysa, former Minister of Aviation and Airports, and candidate for the UDUB leadership: Warancade He has lions in his house. Airport in construction Quote Share this post Link to post Share on other sites
Land_Soldier Posted September 6, 2010 Warancadde Oo kolkii u horaysay shaaca ka qaaday in uu u sharaxanyahay tartanka madaxwaynanimada Written by Qaran News Sep 05, 2010 at 02:35 PM Hargaysa,(Qaran news)- Wasiirkii hore ee duulista iyo hawada Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta galinkii danbe isaga oo ku sugan gurigiisa saxaafada xagaasi kula hadlay waxa uu si toos ah daaha uga qaaday in uu u sharaxanyahay una tartamaayo jagada madaxweynanimada kana sharaxanyahay xisbiga UDUB. Warancadde oo in badan la tuhunsanaa dad badan oo tageerayasha xisbiga UDUB iyo guud ahaan shacabka Somaliland-ba ay u arkayeen nin jagadaasi buuxin kara ayaa markii u horaysay ku dhawaaqay in uu jagadaasi u taaganayahay musharaxa madaxweynanimada ee xisbiga UDUB, hadalka Warancadde oo dhinacyo badan taabanaayay waxa kale oo uu kaga hadlay arimaha doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada oo uu sheegay in ayna haboonayn in wax sanad ka badan dib loo dhigo isla markaasina waxa uu carabka ku dhuftay shaqsiyan in uu jeclaan lahaa in labada doorasho mar la wada qabto oo la is raaciyo, taasi oo uu sheegay in ay kharash ahaan iyo wakhti ahaanba u wanaagsantahay dalka Sida ay doontaba ha ahaatee Warancadde waa shaqsi ay dadka reer Somaliland aad u qadariyaan kuna xasuustaan wax qabad iyo shaqsi nabadeed oo hawl kar ah, kana soo qayb qaatay nabadayntii Somaliland xiliyadii ugu adkaana u guntaday hadii uu xisbiga UDUB hogaanka musharaxnimo u qabtana waa shaqsi markale ku soo celinkara xisbiga UDUB dhabahii hogaaminta dalka ee ay xisbiga Kulmiye sida raaxada ah uga qaadeen, iyada oo ay jiraan rag kale oo hunguraynaaya jagadaasi isla markaasina tartan laga yaabo in ay kula galaan Warancadde ayaa hadana waxa uu Warancadde bulshada dhexdeeda ku haystaa tageero xoogan oo gobol iyo degmo kastaba leh. Quote Share this post Link to post Share on other sites