General Duke Posted October 7, 2007 Golaha Isimada ......... oo udigniin u jeediyay Somaliland Isimada goballada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa maanta baaq ka Soo saaray gobolka sool Baaqan oo ay kaga hadlayaan xaallada cakirran ee iminka ay ku jiraan Gobollada SSCayn,Baaqan ayaa ah kii labaad ee Ka Soo baxay Isimada Gobollada SS-Cayn. Haddaba, Baaqan ayaa waxaa uu u Qornaa Sidatan Hoos ku qoran iyadoo ay ku saxiixan Yihiin dhamaan Ismada SSCayn. jees nasrullaah Laascaanood Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 7, 2007 Pressrelease View the above link fo the original press release with the names of the traditional elders.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 7, 2007 Laascaanood: Isimada gobalada SSC oo baaq kama danbeys ah udiray Maamulka gobalada Waqooyi Galbeed Soomaaliya. 7. oktober 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Isimada ugu sareeya ee wax laga weydiiyo arimaha gobalada Sool ,Sanaag iyo Cayn ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta baaq kama danbeys ah oo ay ugu hadlayaan xaaladaha gobaladaasi ay ka soo saareen Magaalada Laascaanood ee xarunya gobalka Sool. Isimadu waxa ay baaqoodan ku socodsiinyeen dowlada faderaalka ee Soomaaliya Iyo Hay'adaha Caalamiga ah iyo waliba Beesha Caalamka waxa ayna sheegeen in ay deegaanadooda ka difaacanayaan cadowga ku soo duuley. Isimadu waxa ay kaloo ugu baaqeen dowlada Soomaaliya in ay ogaadaan in Masuuliyada dagaal yimaada ay qaadeyso Maamulka la baxay Somaliland oo ku soo duuley deegaanada dowlad gobaleedka Puntland. Garaadadu waxa ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin deegaanada dowlad gobaleedka Puntland isla markaana ay ka soo horjeedaan maamulka la baxay Somaliland ee dulaanka ku soo qaadey deegaanadooda. Waxa ay Isimadu ku sheegeen baaqoodan in ay digniin kama danbeys ah ujeedinayaan Maamulka Somaliland,ayagoona ku baaqey in ciidamadooda joojiyaan daan daansiga qaawan ee ay ku hayaan deegaanadooda. Baaqan wuxuu ka soo baxey sida wararku sheegayaan markii ay wada hadalo dheer oo mudo qaatey dhexmareen wasiiro ka socda dowlada gobaleedka Puntland iyo Isimada gobalada SSC. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 7, 2007 SSC spokesperson speaks out Quote Share this post Link to post Share on other sites