Sign in to follow this  
General Duke

Afgooye: admin hunts Cirfo thugs and destroy road block.

Recommended Posts

Afgooye: Taliyaha ciidamada nabadgelyada Afgooye iyo ciidamo uu horkacayo oo dagaal kula wareegay Kontoroolka Baar Ismaaciil

 

4. August 2007

 

Afgooye(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada nabadgelyada degmada Afgooye iyo ciidamo uu horkacayey ayaa gelinkii danbe ee maanta dagaal xoogan ay ku qaadeen Kontoroolka Baar Ismaaciil ee laga galo degmada Afgooye halkaasi oo ay ku sugnaayeen maliishiyadii horay gacanta ugu heysay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

 

Taliyaha ciidamada nabadgelyada degmada Afgooye Col. Cali Ismaaciil Isxaaq (Cali Xabad) oo horkacayey ciidamada nabadgelyada Afgooye ayaa waxay ku guuleysteen iney kala wareegaan bartaasi kontorool oo maliishiyada horay ugu qaadi jiray lacagaha leejada loo yaqaan iyadoo halkaasi ciidamada dowladda ay ku dileen mid ka mid ah maliishiyadii halkaasi ku sugneyd waxayna ku dhaawaceen afar askari oo kale oo dhinaca maliishiyada, waxayna ku soo qabqabteen tiro kale oo halkaasi ku sugneyd.

 

Weerarkan ayaa yimid kadib markii maliishiyadii ku sugneyd bartaasi kontorool ay lacago xad dhaaf ah ku soo rogeen gaadiidka isticmaala wadada Afgooye iyadoo cabasho ay ka soo gudbiyeen darawalada gaadiidleyda iyo dadka masafurka.

 

Arintan ayaa ku soo beegantay xili maanta maamulka degmada Afgooye ay sheegeen iney qorsheeyeen Lixdan Askari oo ka shaqeynaya nawaaxiga degmada Afgooye si wax looga qabto xaalada nabadgelyo, waana tallaabadii ugu horeysay ee maamulka ka qaado kooxaha sharci darada.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this