Sign in to follow this  
ANWAR

Geedi oo ku amray golihiisa wasiirada in ay ka baxaan hotelada ay deganyihiin

Recommended Posts

ANWAR   

Dayniile: Shirkii golaha wasiirada dowlada KMG Soomaaliya oo uu shir gudoominayay Ra’iisal wasaare Geedi ayaa shalay looga hadlay qodobo muhiim ah.

 

Kulankan oo ka dhacay xarunta KMG ah ee golaha wasiirada ayaa ugu horeyn waxaa golaha la soo hordhigay qorshe guud oo ku saaabsaan wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee uu madaxda ka yahay Maxamed Ibraahim Xaabsade, sidoo kalena qorshahaas wuxuu ka koobnaa dhowr bog, wuxuuna ka tarjumayay qorshaha guud ee wasaaradda Gaadiidka ugu talo gashay Gaadiidka kala geddisan ee dowladda iyo midka dadka rayidka ahba.

 

Qorshahan dhemeystiran ee ku saabsan howlgal wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ay ugu talogashay in lagu maamulo Gaadiidka dowladda iyo kan rayidka, ayaa loo qaybiyay dhammaan xubnaha golaha wasiirrada, si ay u soo aqriyaan ugana soo baaraandagaan si loo ansixiyo shirkaan shirka xiga.

 

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa soo hordhigay shirkii golaha wasiirrada qorshaha Amniga ee saddexda bilood ee soo socota uu ku howlgalayo booliiska Gobolka Banaadir, iyadoo loo qaybiyay 16-ka degmo, sidoo kalena degmooyinka aan la hayn saldhigyada booliiska si deg-deg ah loogu sameeyo saldhigyo booliis.

 

Qorshahaan ayaa ka koobanaa afar qaybood oo ku wajahan howgalka gobolka Banaadir, waxaana 16-kii saldhig booliis lagu kordhiyay laba saldhig oo ka dhigaya saldhigyada 18-saldhig, waxayna sidoo kale wasaaraddu qorshaha ku soo dartay gaadiidka uu u baahan yahay ciidanka booliiska si loo xoojiyo nabadgalyada Gobolka Banaadir.

 

Gabagabadii kulankaas ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul wasaaraha Dowladda Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ka warraamay xaaladda guud ee uu dalka ku sugan yahay iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda.

 

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu kaloo xubnaha golaha wasiirrada u sheegay in loo baahan yahay in wasaarad kasta ay diyaarsato xafiisyadeedii iyo gurigii uu degi lahaa wasiirka, si deg-deg ahna looga baxo hotellada ay xilligaan wasiirradu deggen yihiin, si loo yareeyo kharashka faraha badan ee ku baxa golaha Wasiirrada, wuxuuna si deg-deg ah u faray inay u sameeyaan howlahaas sida ugu dhaqsaha badan.

 

THE FUTURE

Mogadishu%20view2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this