Sign in to follow this  
General Duke

Xarardheere: huge demo against courts tax...

Recommended Posts

Banaanbax weyn oo ka dhacay Magaalada Xarardheere

 

Xarardheere 17, Oct.06 ( Sh.M.Network) Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in caawa bandow lagu soo rogay, ka dib markii maanta ay ka dhaceen halkaasi dibadbaxyo rabshado wata.

 

 

Banaanbax

Khilaaf ka dhashay lacago canshuuro ah oo maxkamadaha islaamka ay ku soo rogeen dadka magaalada Xarardheere ayaa kiciyay caro dadka magaaladaasi ay ka qaadeen canshuuraha oo ku riixday in ay sameeyaan isku soo baxyo rabshado wata.

 

Dibadbaxayaasha ayaa todobo ka mid ah loo taxaabay xabsiga, iyadoo magaalada lagu soo rogay bandow Habeenimo oo ku eg ilaa subaxnimada Waabariga.

 

Dibadbaxayaasha rabshadaha sameeyay ayaa waxaa ku dhaawacmay rabshadahooda maanta mid ka mid ah ciidamada Maxkamadaha islaamka oo dhaawac fudud uu soo gaaray.

 

Magaalada Xarardheere ayaa iyadu wararka haatan aanu ka heleyno waxa ay sheegayaan in xaaladdu ay haatan dagan tahay, inkastoo uu xiran yahay ganacsatadii ay ka dhalatay xariggiisa banaanbaxayaasha rabshadaha wata ee maanta ka dhacay magaalada Xarardheere, kaasoo lagu magacaabo Max'ed Cabdulle Tuuryare.

 

Magaalada Xeebta ku taalla ee xarardheere oo horey intii aanu Maxkamadaha islaamka tagin u aheyd meel ay fariisin ka sameysteen kooxo burcad badeed ah isla markaana lagu carqaladeeyo socodka gaadiidka badda ayaa haatan waxaa ka jira amarro adag oo ay ku soo rogeen Maxkamadaha islaamka si loogu soo celiyo magaaladaasi nidaamkii iyo kala dambeynta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dibad baxyo rabshado wato oo looga soo horjeedo canshuuro ay maxkamadaha ku soo rogeen magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa sababay dhaawac soo gaara laba ka tirsan ciidanka maxkamadaha.

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Talaado,Okt 17,2006

 

 

 

 

 

Dibad baxyadaan, ayaa dhashy ka gadaal markii dadka magaalada Xarar-dheere ay sameeyeen diidmo ku aadan in ay bixiyaan lacago canshuuro ah oo ay maxkamadaha ku soo rogeen goobaha ganacsiga iyo guryaha magaaladaasi.

 

 

 

Ciidanka maxkamadaha, ayaa markii uu billawday dibad baxaasi waxa ay isku dayaan in ay kala eryaan dadka isku soo baxay oo iskugu yimid goob ay ku sugnayaan mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadaha ee gobolka Mudug, taasoo keentay in dhaawac fudud uu soo gaaro labo ka mid ahaa ciidanka maxkamadaha oo dhagxaan lagu tuurayey.

 

 

 

Ciidamada maxkamadaha oo markii dembe ku guuleystay in ay kala eryaan dadkaasi isku soo baxa dhigayey, ayaa waxa ay xabsiga u taxaabeen ilaa 7 qof oo ka mid ah ganacsatada deegaanka, oo ay mas’uuliyiinta maxkamadaha ku eedeeyeen in ay iyaga soo abaabuleen dibad baxaasi.

 

 

 

Mid ka mid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Xarar-dheere, oo lagu magacaabo Max’ed C/le Tuuryare, ayaa la waxa uu ka mid noqday dadka ay maxkamadaha dhigeen xabsiga.

 

 

 

Sacdiyo Sh. Xasan, oo ka mid aha dadka deegaanka, ayaa hobyonet u sheegtay in aysan heysan lacagaha canshuuraha ah ee ay maxkamadaha ku soo rogeen badaacadahooda iyo goobahooda ganacsigaba, iyadoo sheegtay inn dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada uu yahay mid aan sidaa u weyneyn.

 

 

 

Mas’uuliyiinta maxkamadaha ee magaaladaas, ayaa waxa ay sheegeen in lacagta la doonayo in lagu sugo amniga magaalada oo qure, oo aysan jirin wax dano kale ah oo laga leeyahay.

 

 

 

Magaalada ayaa waxa haatan ka hirgalay bandow ay ciidamada maxkamadaha saareen magaalada, taasoo yareysay xiisadiid ka dhalatay lacagaha canshuuraha.

 

 

 

Magaalada Xarar-dheere, ayaa ka hor inta aysan maxkamadaha tagin waxa ay aheyd meel ay saldhig u aheyd burcad baddeedka Soomaalida, taasoo laga nastay markii ay maxamadaha gacanta ku dhigeen.

 

 

 

C/wali Yuusuf

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this