A_Khadar Posted September 30, 2010 Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in aad looga wel welsan yahay SSC oo baryahanba aan laga seexan dhinac Hargaysa oo ah xarunta Maamulka SNM ka dib ciidan qoristii ka socotay Buuhodle iyo deegamada SSC. Faysal Cali Waraabe oo Qaxooti Ku ahaa Finland mar walbana ku laabta caasimada Helisinki markay ku dhacdo dhaqaalo xumo ba'an iyo Busaaradi...... ... Faysal Cali Waraabe oo ka muuqato nebcaasho uu qabo deeganada SSC ayaa qayladhaan ba'an kamuujiyey ..''Walalyaal waxaa socda dhaq dhaqaaqa Ciidamada SSC Jabhadbaa inagu samaysantay waana sii xoogaysanaysaan waxay modeen in aynu daciifnay (SNM) oo aan SNM cidi ka noolayn, yaa walalayaal'' Wax cusub ma ahan Aflagaadada iyo Dhac Dhaca Ina Waraabe Faysal oo ah nin aad loogu yaqaano aflagaadada iyo dhac dhaca ayaa Xafladaas si aad uga qayliyay isagoo ka hadlayey xaalada deeganada SSC iyo maanta, faisal Cali Waraabe wuxuu carabka ku dhuftay in ay SSC marayso meel aan loo dul qaadan karin, ayna samaysteen Ciidamo ku lebisan Darajadii Dowladii Dhexe ''Illaahay Ha U Naxariistee ''Maxamed Siyaad Barre''... Maxaa Ka Nixiyay Faysal Cali Waraabe?? SSC way isku qaylo dhaan dirsadeen? Faysal Cali Waraabe oo arintaasi ka hadlaya ayaa hadalkisii sidan u dhigay “Talaabada Naxdinta lehi waxa weeyaan habeen hore waad daawanayseen Tv-ga Universal Jabhad baa inagu abuurantay oo darajadii Ilaahay Ha u naxariistii Siyaad Bare sidata, waxa ay moodeen inaynu diciif nahay, (walalayaal SNM wali waa nooshahay). Tan waxaa ka sii daran oo iyaduna walwal leh way sii xoogaysteen oo way isku qaylo dhaan dirsadeen, kii Xamar joogay, Kii Joogay Boosaaso. Horgalada Inala Jooga ee HODHEELADA Hargaysa Ku RAAXAYSTA waa inay si deg deg ah ugu amabaxaan deegankooda Walaalayaal ''Beelaha SSC way ka tirsan yihiin Wasiirada, Guurtida iyo Baarlamaanka waana kuwa ugu firfircoon ee siyaasadeena guddaha aad uga ciyaara, waxa weeyaan inay ka hawl galaan weyaan, inay Hargeysa fadhiyaan maaha, waxa weeyi siddii aanu uga hawlgali jiray, Anuu waan ka hawlgalay markii Beeshaydu baxday, waa inay ka hawlgalaan maaha halkan inay anaga nagu tilmaamaan maafiyadii Colombia oo kale, Colombia ma nihine waa in aad ka hawlgashaan deegaankaaga. Walaalayaal Reer Buhoodle waxa aan leeyahay haka dhigina dhulkiina meel lagu uruuriyo Ciidamada SSC kuna lida ah SNM. Walaalyaal waxaan leeyahay nimankaa ka yimid Dibeda ee Qaxootigii ka yimid ee ka nabadgalay dagaalkii Sokeeye ee ka dhacay Muqdisho, ilaahay inay ugu mahad naqaan bay ahayd ee may ahayn inay guryahoodii gubaan oo taasi ma haboona, waxaan leenahay halaga hawlgalo ha la digtoonaado ayaan leenahay.. Maxamed Siyaad Faarax-(Kabaweyne) Hargaysa, Radio WidhWidh Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted September 30, 2010 Wax kasta waa u jihaad kuwan caadi maaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites