Jacaylbaro Posted June 4, 2009 Kadib dagaalo maalmahan ka soconayey magaalada mahadaay ee gobolka shabeelada dhexe ayaa lagu soowarmayaa inay saaka gacanta u gashay ciidamada midowga maxaakiimta ee dowlada FKMG ah taabacsan kuwaasoo la sheegay inay saaka aroortii hore lawareegeen . Gudoomiyaha maxkamadaha islaamiga ee gobolka Sh/dhexe Macalin Daahir Cadoow (Calasoow ) oo saxaafada u warmayey ayaa shaaca kaqaday inay saaka waaberigii weerar ay qaadeen ku qabsadeen degmadaasi islamrkaana ay gacanta iminka ku hayaan waa siduu hadalka u dhigaye . Sidoo kale Macalin Daahir oo la weydiiyey khasaaraha dagaalkaasi dhaliyey inta uu leeg yahay ayaa ka gaabsaday islamrkaana ku gaabsaday inay gacantooda ku jirto degmada mahadaay ee gobolka shabeelada dhexe oo dhowaanahan oodhanba ay gacanta ku hayeen xoogaga xisbul islaam iyo xarakatul mujaahidiinul shabaab . Hadalka gudoomiye calasoow ayaa kusoo beegmaya xili ay dagaalo xoogani ka jiraan gobo badan oo kamid tahay degmada mahadaay taasoo qoloba qolada kale ay ka riixanaso gacan ku haynta goobaha dirirtu ka socoto . Quote Share this post Link to post Share on other sites