Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Kulmiyes secretary of Foreign affairs arrives in hargeysa Pics

Recommended Posts

Xoghayah Arimaha Dibada Kulmiye oo Maanta Hargeysa si wayn loogu soo dhaweeyay

 

20100617032050.jpg

 

Xoghayah Arimaha Dibada Kulmiye oo Maanta Hargeysa si wayn loogu soo dhaweeyay

 

 

"Wallaahi, Dabayshan Maanta Dalka ka socotaa Qurbaha Mar hore ayay Martay" Cismaan Saxardiid Xidhiidhiyaha Laamaha Qurbaha ee Xisbiga Kulmiye.., Daawo Sawiradda

 

Hargeysa(GNS)Wafdi Sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye isla markaana uu Hogaaminayo Xoghayaha guud ee Xisbiga Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa Saaka Barqadii ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeys. waxana Wafdigaasi si diiran Airport-ka ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye kuwaasi oo uu Hogaaminayay Xoghayaha guud ee Xisbiga iyo Taageerayaal ka tirsan Xisbiga.

 

 

4709254254_7d558ee796_b.jpg

 

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye oo Warbaahinta ugu waramayay Qolka Nasashada ee Airport-ka ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ee uu u yimid Dalka ay tahay sidii uu qayb uga qaadan lahaa Hawlaha Ololaha Doorashada.

 

 

4708610333_8469f2ef84_b.jpg

 

 

waxa uu Dr. Maxamed Cabdillahi, ku ammaanay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo uu xusay in uu yahay Nin Miisaan Culus ku dhex Siyaasada, Caalamkuna uu aad u garanayo Bulshada Reer Somaliland ay aad u jecel yihiin.

 

 

4708609941_66e2976af2_b.jpg

 

 

Xaflad Suugaaneed loogu tallo galay soo dhawynta Masuuliyiintan oo ka qabsoontay Hoolka Cali Maarshaal ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa hadal uu ka jeediyay Xoghayaha guud ee Xisbiga Kayse Xasan Cige, ayaa xusay in Xubnaha Maanta yimid ay yihiin Xubno aad u miisaan wayn Xisbigana qiimo ku dhex leh. waxa kale oo uu tilmaamay in ay yihiin Masuuliyiinta Xisbiga u qaabilsan Dibada, Xisbiga Udub ee uu Madaxwayne Rayaale Madaxda ka yahayna ay ka cabaadaan.

 

4709250494_171c65a6e6_b.jpg

 

 

waxa isaguna Madashaasi hadal ka jeediyay Xidhiidhiyaha Laamaha Qurba jooga ee Xisbiga Kulmiye Cismaan Abdilllahi Saxardiid, waxaanu sheegay in Maanta Shacabwaynaha Reer Somaliland ay u baahan yihiin in ay helaan Cadaalad iyo Horumar. waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in Dabaysha is bedel doonka ah ee Maanta ka jirta Gudaha Dalku ay mar hore martay Qurbaha taas oo uu ku dhaartay.

 

 

4708539907_0574ac8bd7_b.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

According to Dr Muhammad abdilahi Cumar kulmiyes Secretary of foreign affairs, there will be international observers for the elections From the following countries Norway Sweden United Kingdom And Ireland Italy and the United states of America , And also African countries.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weftigii Ugu Balaadhnaa Qurba Jooga Kulmiye Oo Uu Hogaaminayo Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisibigaasi Oo Si Diiran Loo Soo Dhoweeyey

 

Hargeysa, June 18, 2010 (Haatuf) - Wefti balaaadhan oo uu hogaaminayo Xoghayaha arrimaha dibada Xisbiga, Kulmiye, Dr. Maxamed Cabdilaahi iyo tobaneeyo xubnood oo ka mida madaxda sare ee qurba jooga Kulmiye iyo tageerayaasha qurba-jooga xisbigaasi ayaa shalay Barqinkii lagu soo dhoweeyey Madaarka Hargeysa.

 

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdilaahi oo saxaafada ugu waramayey qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa ayaa sheegay in Doorashadani ka duwan tahay doorashooyinkii hore, isla markaana si weyn ugu Mahad naqay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayaasha Sida weyn ee ay uga hawl galeen soo dhowayntooda. Waxa kale oo uu Xusay in Xisbiga Kulmiye uu Bulshada Reer Somaliland uga wakiil yahay in baaqoodu gaadho caalamka.

Waxaana uu tilmaamay in wakhtigan Somaliland u baahan tahay Isbedel, taasina ay iman karto marka la helo Hogaan Wanaagsan, Xisbiga Kulmiyana uu yahay Xisbiga Kaliya ee leh Hogaan isku kalsoon oo dhidibada u taagi kara waxyaabaha ay Ummadu mudada dheer u oomanayd.

 

Waxa uu Dr. Maxamed Cabdillahi ammaanay Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siillaanyo, kaas oo xusay inuu yahay nin Miisaan culus ku dhex leh Siyaasada, Caalamkuna uu aad u garanayo Bulshada Reer Somaliland ay aad u jecel yihiin.

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu bogaadiyey Shacabka reer Somaliland u diyaar-garowga ay muujiyeen siddii ay uga qeybgali lahaayeen doorashada, waxanu yidhi “Marka labaad waxaan doonayaa inaan halkan bogaadin iyo hambalyo uga soo jeediyo shacabka reer Somaliland geesinimada iyo wadaninimada ay muujiyeen u diyaar garowga doorashooyinka dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan”.

 

Mar uu Maxamed Cabdilaahi ka hadlayey ujeedada safarka weftiga uu horkacayey, waxa uu yidhi “Ujeedada weftigan ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo hawlaha Xisbiga iyo hawlo kale ugu maqnaa dalka dibadiisa, u jeedada ay ugu soo noqdeen waxa weeyaan, waxaynu ka war-haynaa inuu dalku imika u diyaar-garoobayo doorashada madaxtooyada, dadka halkan ka muuqda waa masuuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE waxanay u yimaadeen inay ka qeybgalaan shacabka iyo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE hawlaha doorashada, una horumarinyaan nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo arrimaha doorashada”.

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa ku dooday inay doorashadani muhiimad gaara u leedahay Shacabka reer Somaliland, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka ugu horeysa waxan doonayaa inana cadeeyo doorashooyinka maanta ay Somaliland u diyaar-garoobayso, aad ayey uga duwan yihiin doorashooyinkii hore ee aynu galnay doorashadii madaxtooyada, tii Golaha Barlamaanka iyo tii deegaanka, doorashadanina waxay aduunyada u muujinaysaa haddii ay si nabadgelyo ah, dimuqraadiyada oo xor iyo xalaal ah ay u dhacdo waxay muujinaysaa qaranimada iyo dawladnimada Somaliland. Waxa kale oo ay muujinaysaa qaranimada iyo dawladnimada Somaliland inay yihiin qaran la tisqaadi kara Mandaqada Geeska Africa iyo wadamada kale ee Caalamka, markaa muhiimad gaara oo ka duwan ayey leedahay Duniduna waxay ka sugaysaa doorashooyinkan inay inoogu dhacaan si nabadgelyo ah oo xor ah. Haddii ay arrimahaasi suurtagalaan dunida dawladaha ugu waaweyn ee ay ka mid yihiin reer Galbeedku waxay balanqaadeen inay Somaliland wax la qaban doonaan, haday noqoto xaga mucaawinada iyo horumarka, iyo haday noqoto xaga Siyaasada,markaa runtii doorashadani waa doorasho culeys weyn u leh qaranka Somaliland”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

 

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dawlado ayaa noo cadeeyey, haddii doorashooyinkani u dhacaan si dimuqraadiya oo nabadgelyo ah oo ay dunidu goob-joog ka noqoto inay kordhinayso sumcada iyo himiladdii uu qarankani lahaa. Himilada Somaliland leedahay waxa ugu weyn inay noqoto qaran aayaheeda ka taliya oo madax-banaan oo dunidana ay ictiraaf ka hesho”.

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlayey xubnaha Weftigan uu hogaaminayaa tirada dadka ah ee ay ka kooban yihiin, waxa uu yidhi“Xubno doora oo ilaa tobaneeyo qof ah oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE dad kale oo fara badan oo tageerayaasha Xisbiga ah ayaa nala socday, lugtanina maaha lugtii ugu horeysay ee waxa ka horeeyey safaro aad u fara badan oo isugu jiray taageerayaasha Xisbigu ku iman jireen oo ay dalka dib ugu soo noqonayeen, dad badan oo ah taageerayasaha Xisbiga ayaa ilaa inta ay doorashadu dhacayso dalka imanayaa”.

 

Dhanka kale xaflad suugaaneed loogu talo galay soo dhoweynta Masuuliyiintan oo shalay ka qabsoontay Hoolka Cali Maarshaal ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa hadal uu ka jeediyay Xoghayaha guud ee Xisbiga Kayse Xasan Cige, ayaa xusay in Xubnaha yimid ay yihiin Xubno aad u miisaan wayn Xisbigana qiimo ku dhex leh. waxa kale oo uu tilmaamay in ay yihiin Masuuliyiinta Xisbiga u qaabilsan Dibada, Xisbiga Udub ee uu Madaxwayne Rayaale Madaxda ka yahayna ay ka cabaadaan.

 

Waxa isaguna Madashaasi hadal ka jeediyay Xidhiidhiyaha Laamaha Qurba jooga ee Xisbiga Kulmiye Cismaan Abdilllahi Saxardiid, waxaanu sheegay in Maanta Shacabwaynaha Reer Somaliland ay u baahan yihiin in ay helaan Cadaalad iyo Horumar. Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in Dabaysha is bedel doonka ah ee Maanta ka jirta Gudaha Dalku ay mar hore martay Qurbaha taas oo uu ku dhaartay

 

Abwaanada kala ah Xasan Xaaji Cabdillaahi(Gannay), Maxamed Aaden Dacar iyo Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Basbaas ) ayaa Xaruntaasi ku soo bandhigay, Bandhig Fanneed Mancaha ay Xanbaarsan tahay uu yahay qabsoomida Doorashada soo socota iyo sida loogu baahan yahay isbedel baaxad leh oo Dalka ka qabsooma.

Waxa Fannaaniintaasi ka mid ahaa:

1. Xasan Xaaji Cabdillahi (Xasan Gannay) 2. Maxamed Aaden Dacar

3. Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Bas baas) 4. Maxamed Cabdillahi Diiriye (Bulshaawi)

5. Tiriig Xaashi 6. Cumar Ismaaciil Cawdhiye 7. Axmed C/raxmaan(Gooxo)

8. Jaamac Baqayo iyo 9. Cumar Rooraaye.

 

Waxanay halkaasi ku soo bandhigeen Barnaamij ka kooban Heeso iyo Majaajilo oo si wayn ay uga heleen dhammaan ka soo qayb galayaashii Madasha ku sugnaa.

Heesaha ay Fannaantaasi halkaasi ka qaadeen ayaa waxa ka mid ahaa:

1. Heesta Koowaad oo uu halku dhegeedu ahaa Hogaanka u dhiibo, waxa sammeeyay Abwaan Xasan Gannay 2. Heesta Labaad: Madax aan la xidhi karin: Dacar 3. Heesta Seddexaad: Kulmiye u kaalay: Dacar 4. Heesta Afraad: U Coddee Kulmiye: Cumar Ismaaciil Cawdhiye iyo 5. Heesta Shannaad: Xisbiyada Tartamaw: Ganay.

weftigan Kulmiye ee shalay soo dagay ayaa kala ahaa: 1. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, Xogahayaha Arimaha Dibada Kulmiye 2. Cismaan Cabdillahi Saxardiid: Xidhiidhiyaha Laamaha Qurba joogta Xisbiga Kulmiye 3. Ibraahim Xuseen: Guddoomiyah Uk ee Xisbiga Kulmiye 4. Maxamed Yoonis Cawaale: Guddoomiyaha Radio Horyaal 5. Axmed Adare: Xubin ka mid ah Guddida Fullinta UK 6.Khadan Maxamed Cismaan: Guddoomiyaha Garabka Haweenka UK 7. Xuseen Aaden Cige: Guddida Birgham 8. Abiib Xadi Jaamac: USA 9. Xuseen Axmed Caydiid: Guddoomiyaha Bristol 10. Jibriil Muuse: Af hayeenka Xisbiga Kulmiye UK.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabiley oo Saaka ku waabariisatay Soo dhawaynta Wafdi uu Hogaaminayo Xoghayaha Arimaha Dibada Kullmiye.

 

 

Xogahayaha Arimaha Dibada Kulmiye ayaa la filayaa in uu khuddbad u jeediyay Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Gabiley oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo....

 

Gabiley(GNS) Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobollka Gabiley ayaa Saaka ku waabariistay soo dhawayn balaadhan oo ay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley ugu diyaar garoobayaan Wafdi uu Hogaaminayo Xoghayaha Arimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar. waxa ilaa Xallay Magaalada Gabiley dhex Wareegayay Baabuur ay saaran yihiin Mikirifoono kuwaasi oo ay ka baxeen Heesaha Xisbiga Kulmiye iyo Ogaysiiis Dadka lagu war galinayo Wafdiga soo socda.

 

Xogahayaha Arimaha Dibada Kulmiye ayaa la filayaa in uu khuddbad u jeediyay Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Gabiley oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo isla markaana uu ugu baaqo in ay Xisbigiisa Codka siiyaan oo ay doortaan Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye.

waxa kale oo la filayaa in Wafdiga uu Hogaaminayaa uu Gabiley u sii dhaafo deegaanada kale ee Hoos yimaad Gobolka Gabiley sida Degmooyinka Kala baydh, Wajaale iyo Allay baday.

 

waa Markii ugu horaysay ee uu Dr. Maxamed Cabdillahi soo gaadho Magaalada Gabiley tan iyo waqtigii uu bilawday Ololaha Doorashada oo laga joogo muddo dhawr iyo Toban Maalmood, arintan ayaana timid Xoghayaha oo Dalka Dibada kaga maqnaa. sidoo kale waa markii ugu horaysay ee uu ka qayb galo Tartanka Ololaha Doorashada iyo waliba in uu u socdaalo Gobolada Dalka, intii ka danbaysay soo guryo noqoshadiisa oo ahayd Maalintii Daraad.

 

Xubnaha Wafdigani ka kooban yahay ayaa lagu wadaa in ay u badan yihiin Xubnihii Qurba Jooga Xisbiga ahaa ee iyaguna ku wehelinayay Safarkii uu dibada kaga soo laabtay.

 

khudabada uu jeediyo iyo Meelaha kale ee uu u dhaafo Gabiley kala soco Gabileynews

 

Saciid Khadar Cabdillahi

Gabileynews Desk

Gabiley Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this