Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops welcomed in Bur-Hakabo

Recommended Posts

Degmada Buurhakaba iyo Diinsoor oo gacanta u gashay Ciidamada Dowlada.....

 

Burhakaba_tfg.JPG

 

Burhakaba_tfg2.JPG TFG troops role in

 

Burhakaba_tfg4.JPG technical abandoned by clan courts

 

Burhakaba_tfg5.JPGdestroyed vehicle

 

Burhakaba_tfg6.JPG

 

Burhakaba_tfg7.JPG brave national soldiers

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada Federaalka kmg ee Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamo Ethiopian ah ayaa gacanta ku dhigay iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin Degmooyinka Buurhakaba iyo Diinsoor oo kawada Tirsan Gobolka Bay iyadoo shacabkii halkaasi loogu tagayna ay u sacaba tumayeen Ciidamada Dowlada Fkmg.

 

Magaalada Burhakaba oo aan tagay ayaan kusoo arkay ilaa 4gaari oo kuwa dagaalka ah iyo afar baabuur oo kuwa yar yarka ah oo la ii sheegay inay ka tageen Ciidamada Maxkamadaha waxaana lagu wareejiyey Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle walow gaadiidkaasi qaarkood laga furtay waxyaalihii lagala bixi karay.

 

Intii aan sii soconay jidka ka baxa magaalada Baydhabo ilaa degmada Buurhakaba ayaan waxaan ku arkay ilaa shan goobood oo ay dagaalo ka dhaceen waxayna ka bilaabanaysay markaan tagnay Moodo moode waxaana halkaasi ku aragnay gumacyada iyo qolofta rasaasta kala duwan ee la isku weydaarsanayey iyo raashin meelahaasi buuxay oo ay kakala tageen labada dhinac.

 

Waxaan kaloo halkaasi ku aragnay laba gaari la gubay waxaan kaloo aragnay meydad, isla markaana dadka deegaanka lagu wargiliyey inay duugaan waajibna tahay in la asturo meydka.

 

Markaanu galnay Degmada Buurhakaba ayaa waxaa iridka laga galo tubnaa dadweyne tiro badan oo ku dhawaaqayey soo dhawaada, waxaan gudaha u galnay degmada Buur iyadoo aay ka muuqatay waxoogaa cidla ah iyadoo dadkuna ay kusoo noqonayeen haweeney magaceeda iigu sheegtay Xaawo Maxamed ayaa ii xaqiijisay inay ka carareen oo ka qaxeen isla markaana ay la joogi waayeen Dananka Madaafiicda iyada iyo ilmaheedana ay isaga baxeen magaalada.

 

Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Md. Salaad Cali Jeelle ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadweyne Tiro badan wuxuuna u sheegay in laga bilaabo caawa magaalada lagu soo rogay baandoow isla markaana aan la socon karin inta u dhaxaysa 7:00fiidnimo ilaa 6:00maqribnimo sidoo kale wasiirka ayaa u sheegay dadweynaha in ganacsiga uu xor yahay lagana ganacsan karo wixii aan diinta waxba u dhimayn.

 

Sidoo kale wasiirka ayaa dadweynaha ku wargaliyey in wax alaale wixii maamul ahaa lagu wareejin doono maamulkii degmada ee horey u jiray wuxuuna u sheegay inuu la joogi doono isaga inta magaalada xasiloonida lagu soo celinayo.

 

Dagaalada dhankan ayaa waxaa dadweynaha sheegayaan in uu kasoconayo Leego iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwo Ethiopianka ay usii gudbayeen dhanka iyo Leego iyagoo watay qoryo culus iyo quryo fudud.

 

dhanka kale afhayeenka dowlada fkmg ee Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/raxamaan Diinaari ayaa saxaafada u sheegay inay gacanta ku dhigeen degmada Diinsoor iyadoo haba yaraatee wax dagaal ah aysan ka dhicin waxaana haatan ay gacanta ugu jirtaa ciidamada Dowlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

XoX Ogaal, thats up for the TFG to decide, but I guess if this trend continues then we will not need foreign forces and we can spend our money on building our own security forces an army of 40,000 and reconstruction.

Share this post


Link to post
Share on other sites

PM Meles indicated how astute the TFG is in part of his answer to a third question.

 

Ethiopian forces do not enter towns or cities, they do the fighting out of population areas.

In some places only commanders have entered with their Somlaia* (the ethiopian commander can be somali) TFG commanders just to see the condition of the people for themselves and were very pleased.

 

SOL nomads you need to give credit to the TFG more than some of you are willing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this