Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: The politics of revenge , arrests of UDUB officials start...

Recommended Posts

Haatufka Maanta

 

Dawladda Cusub ee Siilaanyo oo bilawday xadhiga masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, tolow xisbigan Kulmiye miyuu iloobay wakhtiyadii uu mucaaridka ahaa ee siyaasadiisa ay ka mid ahayd inay xaaraan tahay in muwaadiniinta lagula dhaqmo xadhiga sharcidarada ah.

 

Sawtan xukuumaddu durba bilawday awood ku cabudhinta muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta mucaaridka, xukuumadda ka soo jeeda xisbiga Kulmiye waxa ay ummaddu uga fadhidaa inay ka run sheegaan balanqaadyadii isbedel siyaasi ah oo ka duwan, kana wanaagsan maamulkii Rayaale inay ku dhaqi doonaan dalka, balse wali waxbadan baa madmadow ku jiraa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha UDUB Ee Degmada Boorama Oo Xabsiga Loo Taxaabay, Ka Dib Markii Lagu Eedeeyay Been Abuur

 

“Xukuumadu Waxay Gobolka U Soo Magacwday Rabshad Wadayaal, Gacmahana Waa La Isla Gaadhi Sida Ay Ku Socdaan.....” Gudoomiyaha UDUB Ee Gobolka Awda Lcabdicasiis Xuseen Raage

 

Boorama, August 30, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee degmada Boorama Maxamed Cabdi Axmed (Ilkacase) ayay shalay ciidanka Bileyska ee magaalada Boorama u taxaabeen kuna xidheen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, masuulkan xidhan oo wargeyska Haatuf la xidhiidhay ayaa sheegay in shalay subax ay ciidanka boolisku ku waabariisteen guriga uu ka degan yahay magaalada Boorama ka dibna ay u sheegeen in la soo amray inay soo qabtaan isaga.

 

Masuulkan ka tirsan xisbiga UDUB ayaa ku eedeeyey Amarka xadhigiisa badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabadala inuu ka dambeeyo, isla markaana uu ku haysto maqaal uu dhawaan ku qoray Internet-ka waa sida uu hadalka uu u yidhiye.

 

Mar aan isku daynay in aan wax ka weydiino xadhiga masuulkaaskan ka tirsan xisbiga UDUB, Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa waxa uu sheegay in sababta loo xidhay ay tahay ka dib markii uu sheegtay xil beeleed oo aanu ahayn, isla markaana uu ku hadlay Afhayeenka beesha J/yoonis, sidaana uu ku baahiyey warbaahinta, ayuu ku mutaystay xadhigaas, waxaana jira madax dhaqameedo ku hadli kara magaca beelaha.

 

Dhanka kalana waxa xadhiga masuulkan ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal C/casiis Xuseen Raage wuxuuna cambaareeyey xadhiga loo geystay masuulkaas iyo fikirkiisa lagu qabsaday, wuxuu intaas raaciyay oo dhaliil xoogan dusha uga tuuray masuuliyiinta dhawaanta loo soo magacaabay gobolka Awdal oo ku tilmaamay Rabshlooyaal wuxuuna yidhi isaga oo Arintaas ka hadlaya “Masuuliyiinta xukuumaddu soo magacawday waa rabshowadayaashii gobolka, haddii ay arimaha ay wadaan sidaas ku sii wadaana waxa dhici doona in gacmaha la iskula tego, waxaan cambaaraynaynaa xadhiga loo geystay masuulkaas iyo kuwo kalaba, waxa jira in rag 3 sano joogay lagu xidho xamar baad ka timid, Aramaha xukuumada Kulmiye ka wado gobolka waxaan u aragnaa iska horkeen iyo colaad laga dhex hurinayo bulshada nabada ku soo caano maashay, xukuumadu waxay gobolka u soo dirtay wiilal aan khibrad maamul lahayn oo hore u soo arag xafiis, xilalkaaba ka culus waxbaa la xidhaa ayuunbay ka garanayaan, sidaas Awgeed waxaan leehay xukuumada Kulmiye arimaha ay ka wado gobolka Awdal haddii ay joojin weydo wixii ay ka hesho iyadaa garan, una malayn maayo in Madaxweynaha iyo masuuliyiinta arimahani khuseeyaan ay ka warqabaan, waxa hawsha wadaana waa dad hore u odhan jiray waa lana ciilay oo ciilan, suuragelimayso inay fadqalalo ka abuuraan gobolka oo ay Somaliland-na ka faquuqaan. ayuu yidhi gudoomiyeha xisbiga mucaaradka ah ee Gobolka Awdal.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa dhawaanahan ku soo badanaya magaalada Boorama xadhiga siyaasadeed ee lagu ugaadhsanayo shakhsiyaadka loo tuhunsan yahay arimo ku lid ah xukuumada, falalka noocan oo kale ah ayay xisbiga Kulmiye ku eedayn jireen xukuumadii ka horaysay ee Daahir Rayaale, taas oo wakhtigaas loo arkayay inay fiicnaan doonaan, dhinaca kalana waxaana soo kordhaya hadalhaynta bulshadu ee fudaydka masuuliyiinta gobolka iyo laamaha amniga ee ay dhawaan soo magacawday xukuumada cusubi, waxayna dad badani u arkaan talaabooyinkan qaar aan haboonayn wakhtigan oo loo qaaday jihada taban, waxa kale oo soo kordhaya kala fogaanshaha bulshada ku dhaqan Boorama iyo xukuumada Axmed Siilaanyo, dadka qaarkiina waxay leeyihiin xukuumada Axmed Siilaanyo maamul toosintii ay ummadda u sheegi jireen ma kanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this