Jacaylbaro Posted April 27, 2010 Maamulka gobolka Sanaag ayaa xabsiga dhigay 8 oday oo ay ku jiraan caaqilo,kuwaasoo ka soo jeeda labada beelood ee dhowaan iska dilay dhowr nin,waxaana istaagay wadahaladii socday kadib markii maamulka soo farageliyey nabadayntii u socotay odayaasha labad dhinac. Odayaashaas la xidhay oo lagu hayo xabsiga magaalada Ceerigaabo ayaa keenay in weli aan xal loo helin arintaas ka abuurtay magaalada Ceerigaabo inay soo galaan malayshiyaad hubaysan oo labad beelood ah,taasoo cirka ku laashay nabadii mudada dheer ka jirtay magaalada. Maamulka gobolka Sanaag ayaa waxa eedeyn u soo jeediyey odayaasha labada dhinac,iyagoo ku eedeeyey inay soo faragashadeen arimo dhaqan,oo ay keeyihii ujeedooyin gaar ah. Colaadan ayaa bilaabatay kadib markii magaalada gudaheeda lagu toogtay laba nin oo ka soo jeeda koonfurta Sanaag(Naaleeye Axmed/***********),iyadoo sida la sheegay ay arintaasi daba socotay dil ka dhacay meesha la yidhaahdo Ceelqoxle,halkaas oo lagu dilay nin ka soo jeeda beesha (Muuse Ismaaciil HabarYoonis),waxaana malayshiyo ka soo jeeda koonfurta Ceerigaabo ay afduubteen dhowr nin oo ka soo jeeda beesha kale,iyadoo markii danbe la sii daayey,si jaanis lo siiyo nabada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 27, 2010 Maamulka gobolka Sanaag ayaa xabsiga dhigay 8 oday oo ay ku jiraan caaqilo,kuwaasoo ka soo jeeda labada beelood Hmmmm ,, good move Quote Share this post Link to post Share on other sites