Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Reform Party

Recommended Posts

Shir Caawa fiidkii ka dhacay magaalooyinka maatana oo looga hadlayey Mustaqbalka dambe ee gobaladda Sool Sanaag iyo Cayn oo Caawa fiidkii lagu Qabtey Hoolka weyn ee Tajmahal oo ku yaala Cedar and Lake ayaa lagaga dhawaaqey xisbi cusub oo matali doona danaha Siyaasadeed ee dadka ku Abtirsadda Goboladda Sool Sanaag iyo Gobolka Buuhoodle.

 

Waxaana Xafladaasi siku meel gaadh ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbigga Somaliland Reform Party oo marka la soo gaabiyo loogu yeero (SRP} Muddane Abdi farah laba gole oo hore dadkii Xafladaasi ka soo qayb galay oo ka koobnaa dad si gaara loo soo casuumay oo u badnaa dad masuul ah ayaa aad u soo dhoweeyey Xisbigga Cusub iyo waliba Gudoomiyaha ku meel gaarka ah. muddane Abdi farah laba gole oo ay ku tilmaameen siyaasi da' yar wax badanna ka badelli kara xaaladda gobaladaasi mudane Abdi farah wuxuu hore U ahaan jiray madaxa Telifisionka Soomaliyeed ee minnesota.

 

Wuxuuna ahaa nin aad iyo aad isugu soo dhowaayeen dhanka Sxaafada Somalida minnesota mudane Abdi farah laba gole wuxuu la soo shaqeyey madaxweynihhii hore ee Soomaaliland alle ha u naxariistee Maxamed xaaji Ibraahin Cigaal. mudane axmed yusuf oo ah madaxa waaxda dhalinyaradda ee somaliland ayaa ku tilmaamey arintni inay tahay mid timi xilli loo baahnaa. ururka ardayda ee gobolka Sool iyo buuhoodle ayaa aad u soo dhoweeyey. waxayna madaxa xisbigga ugu Hambalyeeyeen guul iyo horumar deg deg ah, Waxay alle uga baryeen in uu u sahlo howlha adag ee hortaan gudoonka cusub ee Somaliland Reform Party.

 

 

Afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this