Jacaylbaro Posted October 20, 2008 Shir Caawa fiidkii ka dhacay magaalooyinka maatana oo looga hadlayey Mustaqbalka dambe ee gobaladda Sool Sanaag iyo Cayn oo Caawa fiidkii lagu Qabtey Hoolka weyn ee Tajmahal oo ku yaala Cedar and Lake ayaa lagaga dhawaaqey xisbi cusub oo matali doona danaha Siyaasadeed ee dadka ku Abtirsadda Goboladda Sool Sanaag iyo Gobolka Buuhoodle. Waxaana Xafladaasi siku meel gaadh ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbigga Somaliland Reform Party oo marka la soo gaabiyo loogu yeero (SRP} Muddane Abdi farah laba gole oo hore dadkii Xafladaasi ka soo qayb galay oo ka koobnaa dad si gaara loo soo casuumay oo u badnaa dad masuul ah ayaa aad u soo dhoweeyey Xisbigga Cusub iyo waliba Gudoomiyaha ku meel gaarka ah. muddane Abdi farah laba gole oo ay ku tilmaameen siyaasi da' yar wax badanna ka badelli kara xaaladda gobaladaasi mudane Abdi farah wuxuu hore U ahaan jiray madaxa Telifisionka Soomaliyeed ee minnesota. Wuxuuna ahaa nin aad iyo aad isugu soo dhowaayeen dhanka Sxaafada Somalida minnesota mudane Abdi farah laba gole wuxuu la soo shaqeyey madaxweynihhii hore ee Soomaaliland alle ha u naxariistee Maxamed xaaji Ibraahin Cigaal. mudane axmed yusuf oo ah madaxa waaxda dhalinyaradda ee somaliland ayaa ku tilmaamey arintni inay tahay mid timi xilli loo baahnaa. ururka ardayda ee gobolka Sool iyo buuhoodle ayaa aad u soo dhoweeyey. waxayna madaxa xisbigga ugu Hambalyeeyeen guul iyo horumar deg deg ah, Waxay alle uga baryeen in uu u sahlo howlha adag ee hortaan gudoonka cusub ee Somaliland Reform Party. Afnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 20, 2008 ma udub iyo ucid oo kall e aya la miid noqonayan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 20, 2008 Hopeless. Give up ina Laba Go'le. Talking of Laba.... Quote Share this post Link to post Share on other sites