Sign in to follow this  
Cowke

Telecom Puntland Host East Africa University Graduate Ceremony

Recommended Posts

Cowke   

Shirkada Telcom oo Sagootin u Sameysay Arday Qalinjebisay (Sawiro)

 

Boosaaso, (RBC Radio) Shirkada isgaarsiinta TELCOM PUNTLAND ayaa xaley xaflad sagootin ah u qabatey arday ka qalinjebisay jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso.

 

Xaflada oo lagu qabtay xarunta jaamacada ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qeybgaley masuuliyiin ka tirsan maamulka, madaxda shirkada TELCOM, kuwa jaamacada Bariga Afrika, ganacsato iyo arday kala duwan oo ay ku jireen kuwii qalin jebinayey.

 

Waxaa xaflada oo bilaabay abaare 6:30 maqribnimo ee xaley lagu soo bandhigay khudbado kala duwan oo ku saabsan waxbarashada iyo kaalinta jaamacada Bariga Afrika.

 

 

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada EAU

 

Gudoomiye ku xigeenka jaamacada C/qaadir Siciid Cabdi oo furay xaflada ayaa sheegay in jaamacada Bariga ay sagootineyso 69 arday oo ka qalin jebisay kulliyadaha Culuunta, Ganacsiga, Shareecada iyo Waxbarashada kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

 

Waxaa uu intaa ku daray dardaaran uu u jeediyey guud ahaan bahda waxbarashada oo ku saabsan inaan marnaba laga daalin raadinta tacliinta iyo in aqoonta looga faa’iideeyo dalka.

 

Duqa Magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo isaguna ka hadlay xaflada ayaa ka codsaday aqoonyahanka cusub inay tacliintooda ku kordhiyaan hay’adaha kala duwan ee dowlada si looga faa’ideysto toosinta maamulka.

 

 

Duqa magaalada Boosaaso

 

Maareeyaha guud ee shirkada TELCOM PUNTLAND C/qaadir Khaliif ayaa isaguna diirada saaray qiimaha ay leedahay waxbarida jiilka yar yar oo ah mustaqbalka berito, waxaana uu C/qaadir amaanay maamulka jaamacada Bariga Afrika oo waqti badan ku bixiyey inay soo saaraan dhalinyaro aqoon leh oo hadda qaadatey shahaado jaamacadeed tii ugu horeysay.

 

Waxaana uu dhinaca kale ku booriyey in abaal loo celiyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo ah ma huraan markasta.

 

 

Gudoomiyaha gobolka Bari

 

Gudoomiyaha gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Yuusuf oo ka hadlay xaflada xaley ayaa ka sokow mahad celinta bahda waxbarashada si gaar ah u doortay inuu ka hadlo amaanka guud ahaan Puntland.

 

Muuse Geelle waxaa uu sanadkan ugu magic daray sanadkii adkeynta nabadgelyada, waxaana uu ku celceliyey in dhalinyarada ay ka digtoonaadaan falal uu ku sheegay marin habaabin oo hadda dalka ka socda.

 

Gudoomiyaha gobolka waxaa uu tusaale u soo qaatay dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Boosaaso kuwaasi oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin horumarka oo waxbarashadu kow ka tahay, amaan la’aantiisna aan waxba la baran Karin.

 

 

Xubno ka mid ardaydii qalin jebisay oo hadalo ka jeediyey xaflada ayaa muujiey sida ay ugu faraxsan yihiin qalinjebinta ay kaga bexeen dadaalkii dheeraa ee muddo 4 sano ah ay ku soo jireen kaasi oo maanta ay gaareen mirihiisa.

 

Gabagabadii xaflada ayaa shirkada isgaarsiinta TELCOM PUNTLAND oo maalgelisay xafladan waxay ku soo bandhigtay bakhtiyaa nasiib qaali ah oo ay dadkii ka qeybgaley qaarkood ku heleen telefoonada gacanta (mobile), kaararka hadalka iyo hadiyado kale oo ay bixiyeen shaqaale ka tirsan shirkada.

 

Ururka ardayda gabdhaha ee jaamacada Bariga Afrika ayaa sidoo kale xaflada ku bixiyey shahaado sharafyo la gudoonsiiyey macalimiinta jaamacada qaarkood.

 

X2.jpg

 

X17.jpg

 

X10.jpg

 

X5.jpg

 

X4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this