Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: government radio coming on air soon.

Recommended Posts

Radiyaha_dfkmg.JPGBAYDHABO: Idaacad FM ah oo ku hadasha Afka Dowladda oo dhawaan hawada soo galaysa

Posted to the Web Dec 13, 09:43

 

 

Baydhabo (PP) - Warar ka soo baxaya xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Baydhabo ayaa daboolka ka qaadaya in dhawaan hawada ay soo geli doonto Idaacad FM ah oo ku hadasha Afka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Idaacadda oo howlaheeda la dhameystiray ayaa la sheegay inay dhawaan hawada soo geli doonto, inkastoo aan weli caddeyn maalinta ay rasmi ahaan hawada u so galayso Idaacaddaas.

 

Sida wararka soo baxaya ay sheegayaan idaacaddaan ayaa waxaa loogu magacdaray IDAACADDA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOMALIA, waxayna howlaheeda ka billaabi doontaa Magaalada Baydhabo oo ay dowladda federaalka Soomaailya daggan tahay.

 

Dhismaha iyo qalabeynteeda Idaacadda ku hadlaysa afka Dowladda Federaalka ayaa la dhameystiray sida wararku tibaaxayaan waxaana lagu wadaa in codkeeda uu gaaro Magaalada Gobollada Shabeellada Hoose, Bay, Bakool iyo Gobolka Gedo, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan inay gaari karto cod ahaan Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Shabeellada Dhexe.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka howlgala Idaacaddo FM ah waxaana dowladdu ay ku eedysay inay dhammaantood gacan-saar la leeyihiin Maxkamadaha Midoobay isla markaana ay si toos ah uga soo horjeedaan siyaasadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this