Emperor Posted May 30, 2008 Muqdisho: Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo rajo wanaagsan ka muujiyey Wada hadalada Sabtida furmaya. 29. maj 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Safiirka dawladda Itoobiya ujooga Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dawladda Itoobiya rajo wanaagsan ka qabto in ay waxyaabo badan ka soo baxaan Shirka lafilayo in uu ka dhaco Magaalada Jabuuti. Safiirka dawladda Itoobiya oo la hadlayey Saxaafada Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya in aysan Soomaalidu heshiisiin ,wuxuuna kuwaasi ku sheegay kuwa ay Taariikhda Soomaaliya qoridoonto. Safiirkan wuxuu ugu baaqay Kooxaha Qunyar socodkaa ee ka mid ah dawladda Soomaaliya in ay ka soo dabcaan mawqifka fog ee ay joogaan ,wuxuuna sidoo kale u sheegay in looga baahan yahay in ay markooda xukumaan dalka Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale warkiisan wuxuu ku daray in ay dhimeen howlgalladii adkaa ee ay ka wadeen guud ahaan dalka Soomaaliya ,wuxuuna sheegay in aysan hada baqdin ka baqin Kooxihii dagaalada ku soo qaadi jirey. Fisaha Shawel ayaa tibaaxay in ay dhibaato badan Shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan Koox-da Al-Shabaab ,wuxuuna sheegay in ay Shacabka soo dhex tuuraan Hubka waa weyn ayna taasi dhibaato xoog leh ku noqotey Shacabka Soomaaliyeed. Safiirku wuxuu rajo wanaagsan ugu dambeyntii ka muujiyey in ay soo xirmaan Colaadaha & Rabshadaha ka taagan dalka Soomaaliya ,isagoo ugu baaqay cid walboo ka soo horjeeda dawladda Soomaaliyana wada hadal. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 30, 2008 Muqdisho: Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo ka warbixiyay wax qabadka ciidamadooda 29. Maj 2008 Muqdisho(AllPuntland)-Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho Mr. Fisah Shawel ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay joojiyeen baaritaanadii cuslaa ee ay ka wadeen qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka, taasoo ujeedadeedu tahay buu yiri si Soomaalida dhexdeeda ay u qaato tallaabo horumar oo dhinaca nabada ah. "Waxaan joojinay baaritaanadii aan ka wadnay gobolada dalka gaar ahaan Muqdisho, tallaabadaasi oo hordhac u ah qaabka aan u dooneyno in Soomaalida dhexdeeda ay ka heshiiso, kadibna ciidamadeena dib uu noqdaan dalkooda" ayuu yiri Safiirka oo maanta ka hadlayey goob ciidamada Itoobiya ay ka qeybinayeen raashin. Safiirka ayaa sheegay in xaaladaha nabadgelyo ee gobolada dalka qaarkood ay iminka wanaagsan yihiin kadib howlgalo ciidamdooda ay ka fuliyeen, inkastoo uu safiirka qiray dhaqdhaqaaqyo ay wadaan kooxaha Al-Shabaab. Mr. Shawel ayaa mar uu ka hadlayey madaafiicda lagu soo tuuro goobaha ay degan yihiin iyo xaafadaha Muqdisho ayaa sheegay in taasi ay tahay dhibaatooyin ay wadaan kooxda Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye, isla markaana wuxuu sheegay in ciidamadooda aysan u dul qaadan doonin weeraradaasi ayna u jawaabi doonaan hadii lagu tuuro madaafiic si buu yiri aan u xaqiijino wiiqida awooda Al-Shabaab. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 30, 2008 Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho oo sheegay in ciidamadoodu ay sugayaan natiijada shirka Jabuuti kadibna ay baxayaan. Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamadooda dalka Soomaaliya jooga ay u diyaar yihiin in ay dib ugu laabtaan dalkooda ayna ka war dhowrayaan oo keliya natiijada ka soo bixidoonta kulanka dib u hehsiisiinta dalka Jabuuti ka bilaaban doona maalinta Sabtida ah ee ina soo aadan. Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamadooda dalka Soomaaliya jooga ay u diyaar yihiin in ay dib ugu laabtaan dalkooda ayna ka war dhowrayaan oo keliya natiijada ka soo bixidoonta kulanka dib u hehsiisiinta dalka Jabuuti ka bilaaban doona maalinta Sabtida ah ee ina soo aadan. “Ciidamadeena Jooga Soomaaliya hadaba tiro ahaan goor hore ayaa la dhimay,markii horana kuma tagin qiyaarkooda ee waxaa ay ku tageen marti qaad ay ka heleen xukuumada Soomaaliya”ayuu yiri safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Soomaaliya Mr. Fisaha Shawel oo maanta saxaafada Muqdisho la hadlayay. “Waan la soconaa kuwa dhibaatada amaan darro iyo dilalka ku haya shacabka Soomaaliyeed,waa argagixisada ALShabaab”ayuu yiri safiirka intii uu socday shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xaruntii hore ee xisbiga Hanti wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed oo dhan waa isugu keen mid,mana jiraan qabiilo ama cid aan si gaar ah u beegsaneyno”ayuu ku jawaabay safiirka oo la weydiiyay su’aal ku saabsanayd in ay beelo gaar ah eegtaan ciidamadoodu,waxaana uu sheegay oo keliya labada shacab in ay yihiin walaalo cadaawaduna ay kala dhexeyso ALShabaab oo keliya ahna urur caalamka looaga aqoonsaday argagixiso. “Waa xaqiiq in ALShabaabku ay adinka xitaa mixnad idinku yihiin sababtoo ah waa kuwan haatan gantaalaha soo tuuraya,waxa aan qabanaynana waa howl bini’aadanimo oo loo sameynayo dad Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay safiirku. Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites