Sign in to follow this  
General Duke

Puntland admin people welcome PM Omar AbdiRashid appointment

Recommended Posts

zSharmaarke2.jpg

Boosaaso: Puntland oo ka hadashay mowqifkeeda dawlada Federalka Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweeyay magacaabida Cumar Cabdirashiid

14. februar 2009

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo saakey shir jaraa'id ku qabtey xafiiiskiisa magaalada Boosaaso ayaa soo dhoweeyey magacaabista Ra'isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharma'arka.

 

" Waxaan soo dhoweynayaa magacaabsita Ra'isal Wasasaraha cusub inkastoo aan shaqsiyan aqoon balse waxaan ogahay inuu dhaley siyaasi caan ka ahaa siyaasada Somalia wax wanaagsana ka qabtey hurumarka dalka" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

Muddane Cabdiraxman Farole ayaa warsaxafdeedkiisa ku sheegey in maamul goboleedka Puntland aan horey loogala tashan marxaladihii uu soo marey shirka Jabuti balse ay tageerayaan talaabo kasta oo sahleysa xal u helida mushkilada ka jirta dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koonfurta.

 

Faroole ayaa hoosta ka xariiqey in Puntland Dastuurkeeda uu ku qoran yahay iney qayb ka noqnayaan dowlad Federaal ah oo ku dhisan maamul goboleedyo laga hirgaliyo Somaliya inteeda kale.

 

Madaxweyne Farole ayaa sidoo kale sheegey in mamaul goboleedka Puntland aan wakiil looga noqon doonin qorista Dastuurka cusub ee Soomaaliya kaas oo lagu qeexi doono awood qaybsiga dowlada goboleedyada.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha DGPL ayaa u mahad celiyey wadanka Jabuti isaga oo sheegey in mas'uuliyad wayn ay iska saareen sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada haysata shacabka Somalia.

 

Mr.Farole ayaa xusey in dhowaan booqsho ku tagi doono wadanka Jabuti kadib markii ay casumaad ka heleen dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Ismaaciil Cumar Geele.

 

Magacaabista Ra'isal wasaaraha cusub ayaa aragti ahaan aad looga soo dhoweeyey dhamaan gobolada hoos yimaada maamul goboleedka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland: Waan la shaqeyneynaa Ra’iisal wasaare Sharmaake

 

Saturday, February 14th, 2009 at 1:40 pm

C/qani Xasan Dhagjar

Horseedmedia Bosaso

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaaladan Boosaaso.

 

Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay inuu aad ugu riyaaqay hadaladii ugu horeeyay ee uu jeediyay ra’iisal wasaaraha cusub ee federaalka Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

 

Waxa uu madaxweynuhu sheegay inay u tahniyadeynayaan ra’iisal wasaaraha cusub xilka loo doortay

 

C/raxman Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi ku darey inuu Dr Cumar ka soo jeedo qoys taariikh ku leh Soomaaliya isagoo sheegey in aabihii wax weyn ka soo qabtey Soomaaliya uuna Mashaariicdii hor u marineed ee uu Aabihii ka qabtey Soomaaliya ay weli jiraan oo Berbera ilaa Kismaayo ay weli ka jiraan raadkoodii.

 

 

Faroole ayaa intaasi ku darey inuu mushkilada Soomaaliya uu wax weyn ka qaban doono isag iyo madaxweynaha.

 

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyey dawlada jabouti oo uu sheegey in ay qeb weyn ka qaadatey isku keenida Soomaaliya uuna sheegey iney booqashu ugu tagi doonaan dhawaan.

 

Waxaa kaloo uu ku booriyey in ay soo dhisaan maamul goboleedyo iyo sidii loo xalin lahaa koonfurta Soomaaliya anagoo mawqifkayagu yahay Mid ku saleysan Federaal aan intii tabartayada ah aan kala qeyb qaadan doono ayuu ku darey faroole madaxweynaha Puntland.

 

Sikastaba ha ahaatee arintan ayaa waxey ku soo beegmeysaa iyadoo maamulka Puntland oo dhaliilsanaa abood qeybsiga xubnaha Baarlamaanka balse ay maanta sheegeey in ay si weyn u soo dhaweynayaan Raiisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

 

Source: Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Cabdi Awaare oo u hambalyeeyey Ra’isalwsaare Cumar Cabdi-rashiid Cali

 

Siyaasiga caanka ah Cali Cabdi Awaare oo ka mid ahaa xubnihii ugu cad cadaa ee sida weyn loo hadal hayey in loo magacaabayo Jagada Ra’isalwasaaraha dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka hadley aragtidiisa ku aadan magacaabida loo magacaabay xilkaasi Cumar Cabdi-rashiid Cali.

 

Cali Cabdi Awaare oo saxafiyiinta kula hadlayey Hotelka Sheraton ee uu ka degan yahay magaalada Jibuuti ayaa wuxuu ****olka ka qaaday in uu ku qanacsan yahay kuna faraxsan yahay in xilkaasi loo magacaabo Cabdi-rashiid Cali Sharma’arke, waxaana uu sheegay in uu Cumar xilkaasi uu qalmo uuna yahay nin ka soo bixi kara.

 

« Hadii aniga la i magacaabi lahaa waxaan hubaa in Cumar sidan oo kale iigu hambalyeyn lahaa, isla markaana waxaana hubaa anigoo ah ka mid ahaa dadkii ugu dambeeyey ee isugu soo harey qabashada xilkan in aan muujiyo inaan diyaar u ahay wixii awoodeyda inaan ku taageero Ra’isalwasaaraha cusub, waxaana leeyay ILAAH ka kuu fudadeeyo xilkan culus ee lagu saaray ».

 

Cali Cabdi Awaare ayaa ka mid ahaa xubnihii sadexda ahaa ee isugu soo harey xulashada jagada Ra’isalawasaaraha, iyadoo saacadihii ugu dambeeyey ay noqdeen isaga iyo Ra’isalwasaaraha hada la magacaabay, waxaana sidoo kale uu muujiyey in uu ku qanacsan yahay doorashada uu sameeyey Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, isagoo tilmaamay in uu aaminsan yahay in wax walba sidan oo kale looga sameeyo isu tanaasul iyo qanac, maadaama ay xiligan ummada Soomaaliyeed u baahan tahay waxqabad, iscafis, tanaasul iyo hawl qabasho.

 

Fartuun Cali Axmed

SBC International Jibuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farooleoo shir jaraaid ku qabtay xarunta Madaxtooyada Bossaso ayaa wuxuu u hambalyeeyay raisal-wasaaraha cusub, wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Federaalka iyo raisal-wasaarihiisa cusub inay ku dadaalaan sidii ay nabad uga aslaaxin lahaayeen gobollada koonfureed oo u sheegay inay yihii goobaha ay ka jirto xasilooni daridu.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in sida uu qorayo dastoorka Puntland ay qeyb ka yihiin dowlada Federaalka Soomaaliya isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowlada Federaalka, isagoo sheegay inuu rajaynayo in la dhamaystiro dibushesiinta oo qeybaha ka maqana lagu soo daro. Madaxweyne Faroole wuxuu xusay in loo baahan yahay in la sameeyo dastuur soomaaliyeed oo la isku raacsan yahay oo dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliduna ay qeyb ka yihiin.

 

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, wuxuu u rajeeyey madaxda Soomaalida oo uu sheegay inay yihiin dhalinyaro inay fursadaasi qaaliga ah ka faaidaysan doonaan oo ay noqon doonaan kuwo Soomaali dhamaantood isku keena oo nabad u horseeda, wuxuuna ku booriyay inay ka feejignaadaan warxumo tashiilka iyo wixii burbur keeni kara.

 

Madaxweyne Faroole wuxuu shirkasi jaraaid ku sheegay inay wali doonayaan in laga qanciyo qaabkii loo qeybiyey xubnaha barlamaanka, isagoo sheegay inuu eedda arrintaasina dusha ka saarayo Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Puntland ayaa horey u sheegtay inaysan ku qanacsanayn qaabkii lagu soo xulay xubnaha baarlamaanka oo doortay SH. SHariif, waxaase hadda muuqata inay dowlada Puntland ka soo degtay mowqifkeedii hore oo ay fursad siinayso dowlada SH. SHariif oo lagu sheegay mid tabar yar oo qunyar socod ah ayna sugayaan howlo aad u badan oo u badan nabad ku soo dabaalida koonfurta Somaliya.

 

Dhinaca kale. Barlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay magacaabista raisalwasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

 

munaasabada ansixintaas raisal-wasaaraha oo ka dhacday Guriga Ummada Djibouti, ayaa xildhibaano gaaraya 414 ay si buuxda u ansixiyeen iyadoo 9 xildhibaana ay diideen. Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Sheekh Adan Maxamed Nuur ayaa halkaasi ka aqriyay codadkii ansixinta oo u dhacday qaab gacan-taag ah. Munaasabada ansixintaasi waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Shariif oo halkaasi qudbad kooban ka soo jeediyay wuxuu uga mahadceliyay dhamaan xubnaha barlamaanka Soomaaliyeed ansixinta ay ansixiyeen raisal-wasaarihiisa.

 

Raisal-wasaaraha Soomaaliya ayaa la dhaariyay isla markii ay barlamaanka Soomaaliya Ansixiyeen, wuxuuna hadal kooban oo halkaasi ka jeediyey ku balanqaaday inuu intii karankiisa ah gudan doono howsho weyn ee loo xilsaaray. Raisalwasaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo shalay uu soo magacaabay Madaxweyanaha dowlada midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa sida ugu dhaqsiyaha looga fadhiyaa inuu soo dhiso xubnaha dowladiisa, kuwaasoo kadibna la horkeeni doono barlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

qardho_sharmake10.jpg

Dowlada Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid oo laga Taageeray Puntland (Sawiro)

 

Saturday, February 14th, 2009 at 10:50 am

C/weli Gooni

Horseed Media

Qardho,Puntland

 

Saakay ayaa waxaa Xarunta Dowlada Hoose Qardho isugu yimid qaar ka mid ah dadka Degaankaan kuwaas oo muujinayey sida ay u taageersan yihiin Dowlada Cusub ee Ra’isul wasaaraha looga dhigay Cumar C/rashiid Cali.

 

Dadweyne Far badan oo isug soo baxay Xarunta dowlad Hoose ayaa wax ay muujinayeen sida u taageersan yihiin Dowlada Ra’isul wasaaraha cusub ee Somaliya.

 

 

Dadkaan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa wax ay halkaas ka soo jeediyeen hadlo aad u qiimo badanaa iyaga oo intooda badan isku raacay in soomaaliya haatan ay ka gudubtay xilligii dagaalka isla markaana loo baahan yahay in dhalinyaradda aqoonyahana ah ee cusub la taageero.

 

Waxaa sidoo kale Munaasibado lagu taageerayo oo ay ka soo qeyb gali doonaan Boqolaal dadweyne ah lagu wadaa in ay beri ka dhacdo Qardho halkaas oo ay haatan ka soconeyso qaban qaabo xoog leh taas oo meelaha qaar durbada laga bilaabay Diyaarinta sawirada Ra’isul wasaarahe Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

 

Qardho ayaa wax ay noqoneysaa magaaladii ugu horeysay ee Puntland ee laga taageero Ra’isul wasaaraha cusub oo asal ahaan ka soo jeeda degaanada Puntland.

 

Dhanka kalena waxaa Magaalooyinka Puntland haatan wararka naga soo gaaray ay sheegayaan in ay ka soconayaan Diyaar garowga xaflado lagu taageerayo Dowlada Midnimad Qaran ee shalay ra’isul wasaaraha uu ka noqday Wiilkii uu dhalay Madaxweyihii hore ee Somaliya Cumar C/rashiid Cali SHarmaarke.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this