Xudeedi Posted December 18, 2009 Guyaal iyo guyaal baanan tirin maansadii gabaye Gedeheeda waanigii dhigoo gooyayoo nacaye Geed dheer intaan fuulay baan raaxo dheer galaye Gadaal baan xusuusaha u dayey dunida guudkeeda Gumaystaan xusuustiyo kuwii gubay dhulkeeniiye Gardaradii nasaarada ayeey gocatay laabtiiye Gebigeed Ifriiqiya ma rabin inay gumeeyaane Gaar ahaanna Soomaaliya ciilku ii gubaye Midna waygu gaaroo anay gooni ii tahaye Garacyada dhashood waa kuwii gubayey waayeelka Gowraca waxay kaga tagen gaban yar oo wiila Geeliyo waxay naga dhaceen geesaloow adhiba Waa tay gumaadeen raggii gaadhka hayn jiraye Garaaadkayga waatay xidheen meel gasiirada e(Garaad M.A.Shire) Gacalkayga waa tay kala jareen goboladiisiiye Galgaliyo Nugaal bay xidheen seerayaal gudube Badda Garacad waa tii la yiri yaan la soo geline Anaguna gadoodnoo kufriga gelinay tooreeye Guluf iyo coladaan ridnoo giirka wada taagnay Galad eebbe weeyee dulmigu gaax ma uu laha e Waatay ka goosheen arliga naga guureene Gobanimo markaasaan helnoo geelu noo dhalaye Golayaal ayaa lagu shiraa geedihii Bariye Gobeleeda Puntland baan dhamaan geliney diiwaane Guddoon baannu leenahay hadeer loo gudboonyahaye Guri waliba wiil baw fadhiya guurti aqalkeede (barlamaanka) Gaalkacayo Boosaaso iyo gebiyadii Laaska(Laasqoray) Gacan iyo xubeeriyo ilaa Dhahar gadaasheeda Gurya samo Taleex iyo Buraan waa sinaan garabe Gidigood Garoowaa xukuma xarunta guud weeye !!!!!! Gallad bay dadkaygii beryahan farax la guuxeene Aniguna gedaasaan ahoo guul ayaan helaye Inta anan gunaanadin murtida hadalna soo goynin Gacalow gudoomoo lix qodob geliya laabtiina Guntiga u adkeeyoo cadligu galabna yuu dhuuman Gardarona ma fiicnee dulmigu godob xun yuu keenin Gurigeenni weeye martida gaajo ka ilaasha Gunta tola amnigu waa muhiim giija dhinaciisa Garashada aqoontiyo cilmiga shacabka gaarsiiya Garabsada Islaamkana dhamaan gees kastuu xigoba. Maxamad Bashiir Jaamac gumburi1885@yahoo.com Dhahar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted December 18, 2009 Gaalkacayo Boosaaso iyo gebiyadii Laaska(Laasqoray) Gacan iyo xubeeriyo ilaa Dhahar gadaasheeda Gurya samo Taleex iyo Buraan waa sinaan garabe Gidigood Garoowaa xukuma xarunta guud weeye !!!!!! Gallad bay dadkaygii beryahan farax la guuxeene Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted December 19, 2009 maa shaa allah waa gabey aad u fiican. Quote Share this post Link to post Share on other sites