Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Delegation to Buuhoodle

Recommended Posts

Borama(Bnn)Xildhibaano iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland ayaa tagay Magaalada Buuhoodle oo katirsan gobolka Togdheer

 

xubnahan oo qaar asal ahaan kasoo jeeda deegaanka buuhoodle ayey tagistoodu la xidhiidha xaladaha cusub ee kajira gobolka sool gaar ahaan magaalada laacaanood.

 

Waftigan tagay shalay magaalada Buuhoodle waxa hogaaminayaa Wasiir kuxigeenka Wasaarada hawlaha guud ee Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi waxana Waftiga ka mid ah Xildhibaan Xamse Axmed Gaadaweyne oo ah xildhibaan kasoo baxay xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.

 

xubnaha waftigu waxay wada hadalo la leeyihin masuuliyinta iyo waxgaradka degmada Buuhoodle oo iyada ka mid ah deegaanada ay isku hayaan Somaliland iyo Puntland, iyadoo Wada hadlaadu u badan yihiin Amaanka guud ee magaalada Buhoodle iyo Xaaladaha cusub ee gobolka sool.

 

sidoo kale waxa jira warar sheegaya in ciidamada Itoobiya ay hore usoo galayn agagaarka deegaanka Buuhoodle iyagoo dhawr todobaad ka hor kala baxay saldhiga dhexe ee Buuhoodle niman halka lagu qabtay oo hub ka iibsaday somaliland kuna sii socday gobolada dhexe ee somalia.

 

lama garanayo ilaa hadaaya waxa sababay inay hore usoo galan ciidanka Itoobiyaanka ah balse ilo xogogaal ah baa BNN u xaqiijiyey in ciiadanka itoobiyeen tageen deeganada Sooljoogto iyo Qorulugud oo katirsan buuhoodle halkaas oo dadka deegaanka ay u sheegayn inaanay ogolayn in Beelo ama labo maamul isku laayan nawaaxiga Buuhoodle.

 

Borama news Network

Hargeysa Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this