Cowke Posted June 21, 2010 Wafdi Uu Horkacayo Madaxweyne Xigeenka Puntland Oo Gaalkacyo Soo Gaarey (Sawiro). Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Wafdi uu horkacayo Madaxweyne xigeenka Puntland Gen, Cabdi Samad Cali Shire ayaa soo gaarey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Madaxweyne xigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta ka soo amba baxay magaalada Garowe ee caasimada dawladda Puntland ee Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in labada maalmood ee fooda inagu soo heysa wafdigu ay joogi doonaan gudaha magaalada Gaalkacyo. Xubno Wasiiro Ah Oo La Socday Wafdiga Madaxweyne Xigeenka Puntland. Xubnaha Wafdiga Madaxweyne xigeenka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Puntland Yuusuf Axmed Kheyre, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Maxamed Faarax Aadan, Wasiir xigeenka Arimaha Gudaha Dawladda Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Puntland Cali Yuusuf (Xoosh) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cali Jaamac Gibin. Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo mas’uuliyiin kale oo badan ayaa wafdiga Madaxweyne xigeenka waxaa ay uga hortageen degmada Xarfo, waxayna u soo galbiyeen Aqalka Madaxtooyada ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Gen, Cabdi Samad Cali Shire Madaxweyne xigeenka Puntland ayaa markii uu soo gaarey magaalada Gaalkacyo la hadley warbaahinta waxaa uuna sheegay in uu la kulmay soo dhaweyn weyn tan iyo intii uu soo marayey dhulka u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Garoowe, isaga oo intaa ku daray in uu Gaalkayo joogi doono ilaa labada maalmood ee soo socota, isla markaana uu warbaahinta wareysiyo ka siin doono qorshaha socdaalkiisa. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites