Sign in to follow this  
Cowke

RBC Somaliland Election Result Leak

Recommended Posts

Cowke   

DEG DEG: Sadaal Hordhac ah oo Laga Heley Sida Xisbiyada Somaliland ugu Kala Horeeyaan Doorashadii Sabtida

 

Hargeysa (RBC) Ilo wareedyo si aad ah ugu dhow hawlwadeeno ka tirsan guddiga doorashada Somaliland iyo xafiisyada saddexda xisbi ee ku tartamay doorashada ee kala ah UDUB, Kulmiye iyo UCID ayaa muujiyey wax u eg saadaal hordhac ah oo ku saabsan codadka ay kala heleen xisbiyada.

 

Saadaashan oo qeyb ka mid ah si hoose loo siiyey xafiiska RBC ee magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaadaysa in xisbiyada Kulmiye iyo UDUB ay si aad ah uga horeeyaan xisbiga UCID marka loo eego guud ahaan codadkii la dhiibtay maalintii Sabtida ee 26-ka June.

 

GOBOLADA IYO XISBIYADA

 

Gobolada Saaxil iyo Awdal ayaa la ogaaday in codadka ugu badan uu ka heley xisbiga UDUB ee talada haya, halkaasi oo marka loo eego xisbiga Kulmiye uu kaga aqlabiyad batay.

 

Gobolka Awdal waxaa ka soo jeeda madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin halka gobolka Saaxilna uu degaan ahaan ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

Afarta gobol ee soo hartay ee kala ah Togdheer, Hargeysa, Sool iyo Sanaag waxaa codadka ugu badan ka heley xisbiga Kulmiye oo uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo, taasi oo ka dhigeysa in lixda gobol ee uu ka kooban yahay maamulka Somaliland afar ka mid ah uu aqlabiyada ka heley xisbiga Kulmiye.

 

Xisbiga UCID ee Eng. Feysal Cali Waraabe ayaan gobolna u qaban hogaanka, waxaana marka loo eego saadaashan hordhaca ahi dhamaan gobolada lixda ah uu ka heystaa tirada ugu yar.

 

Inkastoo guddiga doorashadu ayan ku dhawaaqin weli natiijada rasmiga ah haddana waxaa laga dareemayaa degaanada Somaliland oo dhan dareen ku aadan saadashan hordhaca ah ee soo baxday. Waxaana laga dareemi karaa jawi muujinaya natiijada iyo sida doorashada loo kala heley.

 

KULMIYE: 276, 973 cod ayuu ka heley guud ahaan gobolada.

 

UDUB: 153, 833 cod ayuu ka heley guud ahaan gobolada.

 

UCID: 93,461 cod ayuu ka heley guud ahaan gobolada.

 

Marka loo eego saadaashan waxay ka dhigan tahay in hogaanka Somaliland uu haatan la wareegayo xisbiga Kulmiye oo musharaxoodu yahay Axmed Siilaanyo.

 

Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in laga yaabo in xubnaha guddiga doorashada at soo saaraan saacadaha soo socda natiijo ku meel gaar ah ka hor mida rasmiga ah.

 

RBC Radio oo la xiriirtay gudoomiyaha gudiga doorashada Ciise Xamari ayaa sheegay inay sugayaan guud ahaan tirinta codadka inay soo gabagabowdo, markaasna ay shaacin doonaan mida rasmiga ah.

 

Si kastaba waxay hawlwadeenada RBC dadaal ugu jiraan in saacada ugu horeysa ay idin soo gudbiyaan natiijada iyo hadba meesha wax marayaan.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

We shall see how accurate RBC Radio election leak is when the official results are shown!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this