General Duke Posted September 21, 2007 Muqdisho: Dowladda Federaalka oo diyaarisay ciidamo gurmad daraawiish ah 21. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dowladda Federaalka ayaa wata qorshe lagu gabagabeynayo diyaarinta ciidamo loogu magac daray gurmadka oo ah kuwa Daraawiishta oo la geyn doona dhamaan gobolada dalka si ay qeyb weyn uga qaataan sugida amaanka. Wasiirka warfaafinta Md. Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in ciidamadan daraawiishta ah ay saldhigyo ka dhigan doonaan gobolada dalka kuwaasoo ku dhaqaaqi doona qaadista isbaarooyinka, ka hortaga isku dhacyada beelaha iyo guud ahaan sugida amaanka gobolada dalka. “Ciidamadani daraawiishta waxay tababaro ku soo qaateen dugsiyada Lafoole, Labaatan Jiroow, Dugsiga sare ee Booliska iyo kan tababarka ee Carmo waana kuwo awood u leh in ay waajibaadkooda gutaan, waxana sugayaan gaadiid iyo qalabkii ay ku dhaqaqaaqi lahaayeen” ayuu yiri Md. Nuunow. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in ciidamadan ay buuxin doonaan wixii gurmad ah ee ay dowladdu uga baahato gobolada dalka kuwaasoo dhaqsiba ugu howlgeli doona iyadoo ugu horeyna ay sii sifeyn doonaan jidgooyooyinka gaadiidka iyo dadka masaafurka ah dhibaatada u geysta, sidoo kalena waa kuwo diyaar u ah ayuu yiri in ay kala dhexgalaan isku dhacyada beelaha ee ka dhaca dalka. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 21, 2007 Dowladda soomaaliya oo sheegtay in dhawaan ay howl geli doonaan ciidamo u gaar ah ka hortagga colaadaha beelaha iyo baabi’inta jidgooyooyinka Dowladda Federalka dalka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dhawaan ay howlgeli doonaan ciidamo gaar ah oo loogu talagalay in ay sugaan amaanka goballada dalka Soomaaliya. Wasiirka war faafinta dalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamadani ay yihiin kuwo u howlgeli doona in ay ka hortagaan iska hor imaadyada hubeysan ee beelaha dhex mara,la dagaalanka kooxaha burcadda ah ee jid gooyooyinka dhigta wadooyinka isku xira goballada dalka iyo arrimo kale oo muhiin ah. “Ciidamadani waxaa ay yihiin kuwo soo bartay shuruucda ciidanimo iyo sida wanaagsan ee ciidanka looga baahan yahay in ay dadka u la dhaqamaan”AYUU YIRI Wasiirka war faafinta dowladda federalka Soomaaliya madoobe Nuunow Maxamed oo intaa ku daray in ciidamadani ay tababarro kusoo qaateen dugsiga Tababarka CARMO,Scuolla di polizia,afoole,Balii Doogle iyo xerooyin kale. Wasiirka ayaa intaa ku daray in ciidamadani ay u dhigmaan ciidamadii daraawiishta ee xilligii dowladdi hore dalka ka howl gelijiray waxna ka qaban jiray dhibaatyooyinka goballada ka dhaca oo isku dhacyada beeluhu ay ka midyihiin. Si kastaba arrintu ha ahaatee isku dayga ku aadan in ciidanka nocoan ahi ay hwlgalaan ayaa waxaa uu yahay mid si aad ah lo soo dhaweynayo, madaama isbaarooyinka iyo dagaalada beelaha ee goballada ka dhacaahi ay yihiin kuwo shacabka ku reeba dhibaatooyin noocyo kala duwan ah. Xafiiska warqbadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho. Contact:carmoyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 21, 2007 Dowladda KMG oo diyaarisay ciidamo gurmad daraawiish ah { 21 Sep 2007} waxaa la daabacay Fri 21 Sep 2007 13: 57: 14 Dowladda Federaalka ayaa wata qorshe lagu gabagabeynayo diyaarinta ciidamo loogu magac daray gurmadka oo ah kuwa Daraawiishta oo la geyn doona dhamaan gobolada dalka si ay qeyb weyn uga qaataan sugida amaanka. Wasiirka warfaafinta Md. Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in ciidamadan daraawiishta ah ay saldhigyo ka dhigan doonaan gobolada dalka kuwaasoo ku dhaqaaqi doona qaadista isbaarooyinka, ka hortaga isku dhacyada beelaha iyo guud ahaan sugida amaanka gobolada dalka. “Ciidamadani daraawiishta waxay tababaro ku soo qaateen dugsiyada Lafoole, Labaatan Jiroow, Dugsiga sare ee Booliska iyo kan tababarka ee Carmo waana kuwo awood u leh in ay waajibaadkooda gutaan, waxana sugayaan gaadiid iyo qalabkii ay ku dhaqaqaaqi lahaayeen” ayuu yiri Md. Nuunow. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in ciidamadan ay buuxin doonaan wixii gurmad ah ee ay dowladdu uga baahato gobolada dalka kuwaasoo dhaqsiba ugu howlgeli doona iyadoo ugu horeyna ay sii sifeyn doonaan jidgooyooyinka gaadiidka iyo dadka masaafurka ah dhibaatada u geysta, sidoo kalena waa kuwo diyaar u ah ayuu yiri in ay kala dhexgalaan isku dhacyada beelaha ee ka dhaca dalka. Email: admin@gobolkabanaadir.com Gobolkabanaadir.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 21, 2007 Dowladda Federaalka oo diyaarisay ciidamo gurmad daraawiish ah Written by Osman Dhayib User Rating: / 0 Friday, 21 September 2007 Dowladda Federaalka ayaa wata qorshe lagu gabagabeynayo diyaarinta ciidamo loogu magac daray gurmadka oo ah kuwa Daraawiishta oo la geyn doona dhamaan gobolada dalka si ay qeyb weyn uga qaataan sugida amaanka. Wasiirka warfaafinta Md. Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in ciidamadan daraawiishta ah ay saldhigyo ka dhigan doonaan gobolada dalka kuwaasoo ku dhaqaaqi doona qaadista isbaarooyinka, ka hortaga isku dhacyada beelaha iyo guud ahaan sugida amaanka gobolada dalka. Ciidamadani daraawiishta waxay tababaro ku soo qaateen dugsiyada Lafoole, Labaatan Jiroow, Dugsiga sare ee Booliska iyo kan tababarka ee Carmo waana kuwo awood u leh in ay waajibaadkooda gutaan, waxana sugayaan gaadiid iyo qalabkii ay ku dhaqaqaaqi lahaayeen” ayuu yiri Md. Nuunow. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in ciidamadan ay buuxin doonaan wixii gurmad ah ee ay dowladdu uga baahato gobolada dalka kuwaasoo dhaqsiba ugu howlgeli doona iyadoo ugu horeyna ay sii sifeyn doonaan jidgooyooyinka gaadiidka iyo dadka masaafurka ah dhibaatada u geysta, sidoo kalena waa kuwo diyaar u ah ayuu yiri in ay kala dhexgalaan isku dhacyada beelaha ee ka dhaca dalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 22, 2007 Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay diyaarisay Ciidamo gurmad ah oo ka howl gala Gobolada Dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ku dhawaaqday in ay diyaarineyso Ciidamo gurmad ah oo ka howl gala Gobolada Dalka. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in Dowladda soo gaba gabeysay diyaar garowga Ciidamo gurmad ahaan uga howl galaya Deegaano ka tirsan Gobolada Dalka, kuwaasi oo laga soo sheegayo falal ammaan daro. "Qorshaha Dowladda ee ay ku sugeyso Amniga Dalka waa socdaa, haatana Dowladdu waxay diyaarisay Ciidamo gurmad ah oo ka howl gala dalka oo idil, si ammaanka gacan bir lagu qabto"ayuu yiri Madoobe Nuunow. Waxa uu sheegay Wasiirka in tallaabadan ay tahay mid Dowladda kula dagaalameyso Kooxaha burcada oo uu sheegay in ay falal ammaan daro ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolada Dalka, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka hortageyso Dowlada. Hadalka wasiirka ayaa ku sii aadaya xilli qeybo ka tirsan Deegaanada Gobolada Dalka ay ku soo badanayaan Jidgooyooyin lagu dhibaateynayo dadka rakaabka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 22, 2007 source Quote Share this post Link to post Share on other sites