Sign in to follow this  
General Duke

Agreement reached...

Recommended Posts

Cadan: " Heshiis waa ay gaareen madaxwaynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka , hase ahaatee waqtiga lasoo bandhigayo bari ayaa dib loogu dhigay" Xildhibaan Muunye.

- Wednesday, January 04, 2006 at 14:38

 

Cadan(AllPuntland)-Wararka aannu ka helayno goor dhow magaalada Cadan ee uu ka soconayay shirkii labada maalmood sida xiriirka ugu socday madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegaya in heshiis dhamaystiran ay gaareen madaxwaynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Xil: Eng: Muunye oo kusugan magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa noo sheegay in heshiis ay gaareen labadan masuul madaxwaynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka hase ahaatee xafladda lagu soo bandhigayo qodobada lagu heshiiyay ay bari u dib dhacday.

 

Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaaraya Cadan ayaa sheegaya in dib loogu dhigay xafladda ballaaran inay kasoo qayb galaan madaxwaynaha dalka Yaman iyo waliba saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda Yaman si ay goob joog ugu ahaadaan heshiiskan dhex maraya xubnaha dawladda .

 

Madaxwaynaha DFKGS C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu waday haddii uu maanta dhici lahaa soo bandhigga qodobada heshiiskan inuu u soo duulo dalka Soomaaliya.

 

Waxaa sidoo kale la filayaa inay korjoogto caalami ah yimaadaan goobta heshiiska lagu soo bandhigayo, waxaana maanta lagu hawlanaa qoridda qodobada heshiiska.

 

Qayb kamid ah masuuliyiinta jooga magaalada Cadan ee ay maanta oo dhan ku hawallanayd inay la xiriirto AllPuntland ayaa ku gaabsanayay oo kaliya in heshiis jiro hase ahaatee aysan ka hor dhici karin inta lagu dhawaaqayo qodobada.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweynaha dowlada Soomaaliya Cabdulaahi Axmed ayaa mabda ahaan maanta si rasmi ah u gaarey heshiis.

 

January 04, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweynaha dowlada federaalka Cabdulaahi Axmed ayaa mabda ahaan maanta si rasmi ah u gaarey heshiis lagu soo afjaraayo khilaafkii u dhaxeeyey xubnaha dowlada federaalka ah.

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii labaad ku kulansan magaalada Cadan ee wadanka Yemen ayaa wada hadladoodu waxa ay ku saabsan sidii khilaafaadka dhinaca dowlada loo xalin lahaa, isla markaana xubnaha baarlamaanka la isugu keeni lahaa hal meel.

Warar kasoo baxaya magaalada Cadan ee wadanka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in heshiis rasmi ah ay labadda dhinac gaareen, hase ahaatee la filayo in maalinta barita ah ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan qoddobada ay ku heshiiyeen madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Waxaa wararka soo baxaya intaa ay ku darayaan in qodobada ay ku heshiiyeen iminka ay qoraal kooda ku hawlan yihiin labadda xogheyn ee madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana la xaqiijinayo in yididiilo wanaagsan ay ka muuqaneyso heshiiska ay wada gaarayaan madaxweyne CabdulaahiYuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Maanta ayaa magaalada Cadan waxaa meelo kala duwan booqasho ku tagey madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo wada saaran hal baabuur isla markaana kormeeraya goobo katirsan magaalada Cadan ee dalka Yemen.

 

Wakaalada wararka ee Reuter war ay qortey ayaa waxa ay sheegeysaa in labadda dhinac ay ku heshiiyeen in dowladu ay ku shaqeyso magaalada Muqdisho isla markaana khilaafaadka labadda dhinac la xaliyo.

 

Waxaa kale oo ay qortey in dacaayadihii labadda dhinac ay is weydaarsan jireen in markaa meesha laga saaro isla markaana si toos ah ay isula shaqeeyaan hey’addaha dowlada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this