Cowke Posted October 21, 2009 Wasiirka Duulista Hawada ee Puntland oo Maraykanka ku sugan October 21, 2009 filed under Haruun | Columbus Waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweenayey Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland,Mudane Ahmed osmaan Ahmedgaraash. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiin reer Puntland ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Soomaalida degen Columbus Ohio, oo isugu jira Culimaa-udiin, Aqoonyahano, Indheergarad, dhalinyaro iyo bulshada noocyadeeda kala duwan ee reer Puntland iyo Soomaaliweynta reer Columbus Ohio. Xafladda oo lagu furay aayadaha qur aanka Kariimka ah, kolkii danbena lagu soo dhaweeyey masuuliyiin sar sare sida Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland Mudane Cabdilaahi Nuur Faracadde iyo masuuliyiin farabadan oo ka socday shacabweynaha reer columbus, dhamaantoodna ay ka hadlayeen waxyaabo badan oo muhiim ah oo isugu jira soo dhawayn, talooyin iyo dhaliilo quseeyey shacabka Soomaalida Columbus iyo Punland laftigeeda. Ugudanabyntiina waxaa lagu soo dhaweeyey masraxa Wasiirka duulista oo qudbad dheer ka jeediyey iyo marxaladihii ugu danbeeyey ee Puntland. Wasiirka oo ka warbixiyey intii maamulkan uu ka tirsan yahay la wareegay xilka inay horay u tallaabsadeen reer Puntland, isagoo ka warbixiyey waxyaabaha ay wax ka qabteen sida Siyaasadda arimaha dibadda, Amaanka-magaalooyinka, mushahaarooyinka shaqaalaha, Booliska iyo ciidamada isagoo xusay inay Dawladiisu tahay mid curdin ah. Halkan ka daawo sawirada oo dhan Gobolada maqan kol uu ka hadleyey Wasiirku wuxuu sheegay in xil ka saaran yahay maamulka Puntland, hase ahaatee loo baahan yahay shacabka gobolada SSC iyo shacabweynaha reer Puntlandba inay ka caawiyaan. Wasiirka oo xusay waxyaabaha uu hadda kala hadli doono qurba joogta SSC oo uu la kulmayo inay ka mid tahay, sidoo kale wuxuu Ahmedgaraash la hadlay shacab weynaha kale ee reer Puntland, isagoo ku dhiiri galiyey in reer Puntland ay isku mid wada yihiin ee aanay lahayn gobol iyo gobol gobalada maqanna ay xitaa ka maqan yihiin shaqsi kasta oo reer Puntland ah. LABADA WAXYAABOOD OO DHIBKA KU HAYA PUNLAND. Wasiirka oo ka hadleyey arimaha ugu daran ee hadda dhibaato ku ah deegaanada Puntland ayaa sheegay inay ka mid tahay dhibaatooyinka Budhcad badeeda iyo Dhibaatada kale ee xaalufinta Dhirta lagu hayo. “….gebi ahaanba Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba waxaa dhirta loo isticmaalaa, xaabada, dhuxusha iyo ooda baaragaha iyo waxyaabo badan oo kale…” taasoo uu wasiirku sheegay inay ku adagtahay inay kontaroolaan labadaas dhibaato. Wasiirka oo ka hadlay waxyaabo kala gedisan ayaa waxaa la waydiiyey su aalo badan oo uu ka jawaabay. Wasiirka ayaa kulamo kale oo dheeraad ah la yeelan doona jaaliyaddaha reer Puntland ee Columbus Ohio la soco warbixinta danbe. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites