Wigad Posted August 10, 2007 Mogadishu 10, August 07 ( Sh.M.Network) Dagaal ayaa caawa abaaro 11: 00 PM ee saqdii dhexe ka bilowday qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo la maqlayo qaraxyo iyo rasaas. Iska horimaadkaan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda ee fariisinka ku leh agagaarka SOS iyo kooxo aan la garaneyn oo halkaasi ku soo qaaday weeraro. Iska horimaadka ayaa inta uusan bilaaban ka hor waxaa la maqlay qaraxyo u muuqday in loo adeegsaday qoryaha baasuukayaasha iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro. " Waxaanu maqleynaa rasaas culus iyo qaraxyo" ayuu yiri Cabdi salaan oo ka mid ah dadka deegaanka Sos oo u waramay Shabelle caawa. Wali lama oga qadaaraha ka dhashay iska horimaadkaan. Habeen hore ayay aheyd markii halkaasi ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo la isku adeegsaday madaafiic iyo hubka fudud nuucyadiisa kala duwan. Its been back to back nights now maybe these guys should give the locals a break and go attack other bases or are they trying to give the army that is based there some real scare or something. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 11, 2007 "Heliwaa" goormee iyadana soo baxday? Idaacadda Shabeelle oo mar walba isticmaasho magacaan ayaan arkaa, oo damacsan inay ka badasho degmadaas Huriwaa la dhaho. Ma magaca Huriwaa u huri waayeen inay carabkooda qabtaan? What is next? Ifka iyo Aakhiro magaca laga badali doonaa? Buuloxuubeey? Labadhagax too? Sidii Iskuraran meesha ugu baxday ayee rabaan inay ka dhigaan? Quote Share this post Link to post Share on other sites