Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Bossaso welcome dr selebaan

Recommended Posts

Emperor   

Garoowe: Musharax Saleebaan: "Shacabka reer Puntland waa wanaagsan, wuxuuna u baahan yahay isbadal"

2. Necember 2008

 

 

 

Garoowe(AllPuntland)-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe Musharax Saleebaan Axmed Ciise Kaariye oo ka mid ah Musharaxiinta dooneysa in ay qabtaan xilka Madaxweynenimo ee Puntland oo bilowga sanadka 2009-ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

 

Dadweyne fara badan iyo Gaadiid tiro badan ayaa duleedka magaalada Garoowe waxay ugu hortageen Musharaxa oo si weyn looga dareemay imaanshahiisa, waxaana uu khudbad gaaban ka jeediyay barxada magaalada Garoowe oo maalmahan Musharaxiinta dadweynaha kula hadlayeen, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay soo dhoweynta dadka reer Garoowe u muujiyeen.

 

Saleebaan Ciise Axmed ayaa sheegay in dadku ay doonayaan isbadal iyo waxqabad muuqda oo lagu sameeyo hey'addaha kala duwan ee Dowladda iyo marxaladda ay iminka ku sugan tahay Puntland.

 

Musharaxa ayaa Shir Wareed uu gurigiisa ku qabtay waxaa uu ku sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo jagada Madaxtinimada Puntland in uu ku soo baxo, wuxuuna xusay in uu xoogga saari doono hadii la doorto Midnimada shacabka reer Puntland, nabadgelyada, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

 

Musharaxa ayaa ku booriyay shacabka reer Puntland in ay la soo dardaarmaan Baarlamaanka ay soo dooranayaan, si ay uga fakaraan dadka ay madalayaan iyo aayahooda danbe, ayna doortaan Hoggaan wanaagsan oo wax qabad la yimaada.

 

Dhanka kale Musharaxa ayaa soo hadal qaaday heysashada magaalada Laascaanood oo mudo sanad ka badan gacanta ugu jirta maamulka Somaliland, kadib markii ay xoog ugala wareegtay maamulka Puntland, wuxuuna Musharaxu uu sheegay in hadii la doorto ay ka mid tahay arrimaha uu xoogga saarayo ay tahay sugida xuduudaha Puntland iyo sidii uu deegaanada maqan gacanta Puntland dib ugu soo celin lahaa.

 

Isku soo wada duuboo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa xiligan ku sugan Musharaxiin kor u dhaafeysa Labaatameeyo, iyadoo kuwo cusub oo kale la sugayo, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa Musharaxiinta iyo kulamo kala gooni gooni ah oo ay la yeelanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan kuwa ay talada ka go'do sida Isimada, Nabadoonada iyo waxgaradka.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Musharax Saleebaan: "Shacabka reer Puntland waa wanaagsan, wuxuuna u baahan yahay isbadal"

He wants to be the xerox in-chief miyaa? That is straight out of Barak Jose(eyn)'s line man. Isbedel=Change smile.gifsmile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this