nuune Posted December 3, 2008 ^^^ JB, isagoo awalba dawakhsanaa ayuu inantaas ku sii waashey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted December 3, 2008 Garoowe: Musharax Saleebaan: "Shacabka reer Puntland waa wanaagsan, wuxuuna u baahan yahay isbadal" 2. Necember 2008 Garoowe(AllPuntland)-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe Musharax Saleebaan Axmed Ciise Kaariye oo ka mid ah Musharaxiinta dooneysa in ay qabtaan xilka Madaxweynenimo ee Puntland oo bilowga sanadka 2009-ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka. Dadweyne fara badan iyo Gaadiid tiro badan ayaa duleedka magaalada Garoowe waxay ugu hortageen Musharaxa oo si weyn looga dareemay imaanshahiisa, waxaana uu khudbad gaaban ka jeediyay barxada magaalada Garoowe oo maalmahan Musharaxiinta dadweynaha kula hadlayeen, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay soo dhoweynta dadka reer Garoowe u muujiyeen. Saleebaan Ciise Axmed ayaa sheegay in dadku ay doonayaan isbadal iyo waxqabad muuqda oo lagu sameeyo hey'addaha kala duwan ee Dowladda iyo marxaladda ay iminka ku sugan tahay Puntland. Musharaxa ayaa Shir Wareed uu gurigiisa ku qabtay waxaa uu ku sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo jagada Madaxtinimada Puntland in uu ku soo baxo, wuxuuna xusay in uu xoogga saari doono hadii la doorto Midnimada shacabka reer Puntland, nabadgelyada, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha. Musharaxa ayaa ku booriyay shacabka reer Puntland in ay la soo dardaarmaan Baarlamaanka ay soo dooranayaan, si ay uga fakaraan dadka ay madalayaan iyo aayahooda danbe, ayna doortaan Hoggaan wanaagsan oo wax qabad la yimaada. Dhanka kale Musharaxa ayaa soo hadal qaaday heysashada magaalada Laascaanood oo mudo sanad ka badan gacanta ugu jirta maamulka Somaliland, kadib markii ay xoog ugala wareegtay maamulka Puntland, wuxuuna Musharaxu uu sheegay in hadii la doorto ay ka mid tahay arrimaha uu xoogga saarayo ay tahay sugida xuduudaha Puntland iyo sidii uu deegaanada maqan gacanta Puntland dib ugu soo celin lahaa. Isku soo wada duuboo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa xiligan ku sugan Musharaxiin kor u dhaafeysa Labaatameeyo, iyadoo kuwo cusub oo kale la sugayo, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa Musharaxiinta iyo kulamo kala gooni gooni ah oo ay la yeelanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan kuwa ay talada ka go'do sida Isimada, Nabadoonada iyo waxgaradka. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted December 3, 2008 Waryaa Xaaji Abtigaa maad ka xishooto. Haduu PL madax ka noqdo sow umtagteen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted December 3, 2008 Garoowe: Musharax Saleebaan: "Shacabka reer Puntland waa wanaagsan, wuxuuna u baahan yahay isbadal" He wants to be the xerox in-chief miyaa? That is straight out of Barak Jose(eyn)'s line man. Isbedel=Change Quote Share this post Link to post Share on other sites