Jacaylbaro Posted July 24, 2007 Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo dalka ku soo laabtay Hargeysa (Qaran)Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa daboolka ka qaaday in Dalka Malaysia uu Somaliland u noqon karo Albaabka ay ka gasho Wadamada bariga fog ee Asia. Madaxweyne ku xigeenka waxa uu sidaa sheegay markii uu galabta ku soo guryo noqday Dalka ka dib markii uu socdaal qaatay muddo Todoba cisho ah isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay ku tageen wadanka Malaysia. "Si fiican ayaa la noo soo dhaweeyay haday tahay dawlada iyo haday tahay shacbiyadii u badnayd Ardayda Somaliland ee dalkaasi ku sugan , Mahaadir Maxamed oo ah Ninkii dalkaasi dhisay waxa aanu la yeelanay isagana fadhi dheer’’ayuu yidhi Md Axmed Yuusuf Yaasiin oo Saxaafada ugu waramayay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa. ‘’Waxaad moodaaba Afrikaankaba in Maleesiya ay ka horeyso ogaanshaha ama qaabkay u ogyihiin waxa yaala Somaliland, Wasaaradooda Beeraha ee Maleesiya oo iyagana Beeraha iyo xoolaha ayaa isku wasaarada , waxaanu la yeelanay fadhi dheer oo aanu kaga wada hadlay xoolaheena sidii ay u qaadan lahaayeen , Toban cisho ka bacdina wefdi Maleesiya ka socda ayaa Somaliland imanaya’’.ayuu intaas ku daray. Isagoo arrintan ka sii hadlayana waxa uu yidhi ‘’Dabcan baayac mushtariga dawlada iy iyaga ayaa xaga sicirka iyo qaabkii loo k ala qaadan lahaa xoolaha ayaa ka wada hadli doono , Wasaarada ganacsiga Maleesiyana waanu la kulanay , Wasiirka Arrimaha Dibadana waanu la kulanay wallow balan dambe leeyihiin Wasiirkeena Arrimaha Dibada’’. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu intaa raaciyay ‘’Socdaalkayagaasi wuxuu ahaa muddo gaaban, laakiin wuxuu ahaa mid midho dhal ah hadii ay halkan ka samaystaan karatiinkii xoolaha lagu qalayay waxaan filayaa waa guul u soo hoyatay Somaliland , Malaysia waa Albaabka aynu ka gali karo Bariga Fog ee Aasiya Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa socdaalkiisa Malaysia ku wehelinayay Wasiirada arrimaha Dibada,Xanaanada Xoolaha IyoWasiirku-xigeenka cusub ee Wasaarada Ganacsiga Quote Share this post Link to post Share on other sites