Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Vice President Returns Home

Recommended Posts

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo dalka ku soo laabtay

 

 

Hargeysa (Qaran)Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa daboolka ka qaaday in Dalka Malaysia uu Somaliland u noqon karo Albaabka ay ka gasho Wadamada bariga fog ee Asia.

 

Madaxweyne ku xigeenka waxa uu sidaa sheegay markii uu galabta ku soo guryo noqday Dalka ka dib markii uu socdaal qaatay muddo Todoba cisho ah isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ay ku tageen wadanka Malaysia.

 

"Si fiican ayaa la noo soo dhaweeyay haday tahay dawlada iyo haday tahay shacbiyadii u badnayd Ardayda Somaliland ee dalkaasi ku sugan , Mahaadir Maxamed oo ah Ninkii dalkaasi dhisay waxa aanu la yeelanay isagana fadhi dheer’’ayuu yidhi Md Axmed Yuusuf Yaasiin oo Saxaafada ugu waramayay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa.

 

‘’Waxaad moodaaba Afrikaankaba in Maleesiya ay ka horeyso ogaanshaha ama qaabkay u ogyihiin waxa yaala Somaliland, Wasaaradooda Beeraha ee Maleesiya oo iyagana Beeraha iyo xoolaha ayaa isku wasaarada , waxaanu la yeelanay fadhi dheer oo aanu kaga wada hadlay xoolaheena sidii ay u qaadan lahaayeen , Toban cisho ka bacdina wefdi Maleesiya ka socda ayaa Somaliland imanaya’’.ayuu intaas ku daray.

 

Isagoo arrintan ka sii hadlayana waxa uu yidhi ‘’Dabcan baayac mushtariga dawlada iy iyaga ayaa xaga sicirka iyo qaabkii loo k ala qaadan lahaa xoolaha ayaa ka wada hadli doono , Wasaarada ganacsiga Maleesiyana waanu la kulanay , Wasiirka Arrimaha Dibadana waanu la kulanay wallow balan dambe leeyihiin Wasiirkeena Arrimaha Dibada’’.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu intaa raaciyay ‘’Socdaalkayagaasi wuxuu ahaa muddo gaaban, laakiin wuxuu ahaa mid midho dhal ah hadii ay halkan ka samaystaan karatiinkii xoolaha lagu qalayay waxaan filayaa waa guul u soo hoyatay Somaliland , Malaysia waa Albaabka aynu ka gali karo Bariga Fog ee Aasiya

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa socdaalkiisa Malaysia ku wehelinayay Wasiirada arrimaha Dibada,Xanaanada Xoolaha IyoWasiirku-xigeenka cusub ee Wasaarada Ganacsiga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this