Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President AMM wishes every muslim a happy ramadan

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Oo Fadliga Bisha Ramadaan Ugu Hambalyeeyey Bulshada Somaliland Iyo Shucuubta Islaamka

posted by: mursal

 

Hargeysa(Togaherer.com):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guud ahaanba shucuubta Islaamka, gaar ahaanna ummadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan hambalyo u diray, curashada Bisha barakaysan ee Ramadan oo caawa bilatay awgeed.

Wasiirka arrimaha Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa xalay shaaca ka qaaday in ay curatay bisha barakaysan ee Ramadan, isla markaana maalinta beri ah laga soomayo guud ahaan gobollada Somaliland.

Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo xalay qaar ka mid ah Warbaahinta ugu waramay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Bisha barakaysan ee Ramadan ay ka curatay dalal badan oo Islaamka ah, isla markaana laga arkay deegaamo ka mid ah gobollada Somaliland, sidaa darteed ay tahay Soon. “Caawa oo Arbaca ah ayay bilatay bisha Ramadan, ka dib markii laga arkay dunida Islaamka qaar badan oo ka mid ah oo uu ka mid yahay Sucuudigu, lagana soo sheegay deegamo ka mid ah Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-qaaftu.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtoooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo la xidhiidha hambalyada munaasibadda Ramadaanta, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Shacbiga Somaliland Meelkasta Joogaanba Dalka Guddihiisa & Debediisaba ugu Bushaararaynaa uguna Hambalyeynayaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay ILLAAHAYna WAXA uu uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo, waxa kale oo madaxwaynuhu uu Dhambaalkan mid la mida u Dirayaa Shucuurta islaamka ee Caalamka oo dhan.”

Togaherer.com

Hargeysa/Somalialnd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this