Jacaylbaro Posted April 13, 2008 Hargeysa (Somaliland.org) - Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in amar lagu siiyey inay soo qabtaan Muj. Maxamed Kaahin Axmed. Waxaana la xidhay oo uu boolisku qabtay maanta Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Mr. Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji). Sida ay sheegayaan dad goob joog ah koox boolis ah oo lagu soo amray inay soo qabtaan Maxamed Kaahin ayaa maanta ugu yimi Muj. Maxamed Kaahin Baar Xaraf, waxayna ku wargeliyeen inuu u raaco xarunta C.I.D-da (Laanta Baadhista Dembiyada ee Booliska) oo looga yeedhayo, balse, waxa la sheegay in uu diidey, uguna jawaabey inuu u yimaaddo cidda amarka soo siisay, iyaguna ay iska tagaan. Waxa la sheegay mar kale in ciidan Boolis ah ay tageen Hudheelka uu deggan yahay Maxamed Kaahin ee BILAAL oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa, iyaga oo sita warqad amar qabasho ah, balse ay ka waayeen halkaas. Lama garanayo loo doondoonayo Muj. Maxamed Kaahin iyo waxa loo xidhay Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cumar (Xamarji), iyada oo la sheegay in Guddoomiye Xamarji uu boolisku doondoonayey maalmihii u dambeeyey, iyada oo la sheegay in loo haysto inuu booliska kala baxsaday, nin hore darawal khaas ah ugu ahaa Marwada Madaxweyne Riyaale oo la yidhaahdo Abshir oo ay boolisku doonayeen inay xidhaan Khamiistii. Hase yeeshee, Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa u sheegay BBC-da, laanta Afka Soomaaliga in lagu eedaynayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa, Axmed Cumar (Xamarji) Qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida Arbacadii. Dhinaca kale, Muj. Maxamed Kaahin ayaa la sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu ka daba joogo hadal uu Khamiistii ka jeediyey xaflad loo sameeyey in ka badan 600 oo qof oo ku soo biiray Xisbiga KULMIYE, kaas oo uu ku weeraray Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), isaga oo ka jawaabaya eedayntii Wasiirku xisbiga KULMIYE ku eedeeyey qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida Arbacadii. Warar ku dhowdhow Xukuumadda ayaa sheegaya in Madaxweyne Riyaale u soo jeediyey golihiisa wasiirrada xadhigga Muj. Maxamed Kaahin, badi wasiirraduna ay ku raaceen. Muj. Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka mid ahaa 7dii Kornayl ee ugu horreeyey saraakiishii Millateri ee u tallaabay Itoobiya, 1982, halkaasna ka aasaasay garabkii hubaysnaa ee ururkii SNM ee dalkan ka xorreeyey taliskii Millateri ee Siyaad Barre. Waana sarkaalka keliya ee ka nool saraakiishaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 13, 2008 Hargeysa(Qaran)- Gudoomiyihii xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa, Axmed Cumar C/Laahi [Xamarje], ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbigaasi. Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa, ayaa sida la sheegay laga qabtay maanta magaalada Hargeysa, waxana wararku sheegayaan in xadhigiisu la xidhiidho tuhuno ku saabsan qaraxii ka dhacay gudaha dhismaha golaha guurtida Somaliland, maalintii arbacadii ee aynu soo dhaafnay, oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. C/Laahi Ismaaciil Cali [Cirro] uu sheegay inay ka dambeeyeen masuuliyiinta sar sare ee xisbigaasi. Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland, Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhay si aan wax uga weydiiyo xadhiga masuulkan ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo waxana uu si kooban u yidhi "Waxba kama ogi masuul ka tirsan KULMIYE oo la xidhay". Gudoomiye ku xigeenka kowaad xisbiga KULMIYE ee dhawaan lagu doortay shirweynihii, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhiga masuulkaasi ku tilmaamay mid xaalad abaar ah oo xukuumadu ku talaabsatay. Qaraxii ka dhacay gudaha xarunta golaha guurtida, oo khasaare weyn u geystay xafiiskii guddi hoosaadyada golaha isla markaana waxyeeleeyay daaqadihii iyo aqabkii shaqada ee xafiiskaasi, ayaa loo xidhay ilaa 7 qof oo sida la sheegay ay ku jiraan qaar ka mid ah shaqaale hoosaadka ka shaqeeya golaha guurtida Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted April 13, 2008 It was set up I say.......the guyz in power did it......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 13, 2008 May be ,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted April 13, 2008 I forgot u part of the establishment adigu Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted April 13, 2008 They want to arrest Mohamed Kaahin? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 13, 2008 looooool@Abu_geeljire ,,, North, that is the rumour but not sure the truth about it. They tried to arrest Muse Biixi before. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted April 13, 2008 This is getting out of hand ninyow. The so called blast was suspicious but where is the evidence? Dadka kala heeshii saxib :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 13, 2008 Yes ,, it is still suspicious and it is getting a bit crazy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 13, 2008 It seems the old guard is up to its old tricks. Beware of these old farts that destroyed Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 13, 2008 JB.....Saaxib, what da hell is going on? :confused: web page Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xidigo Posted April 13, 2008 ^ Attention seeking somaliland, stuff and Nonsense, iga daayoo Duke halkuu maray baryahaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 13, 2008 ^I would hope they would seek attention through the usual channels, not through bombings in Hargeysa. Enough Somali blood has been shed!! Duke afkiibaa juuqda gabe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xidigo Posted April 13, 2008 You will be surprise what all these calooshooda u shaqaystayaal are capable of Oo xaw afku juuqda lagabay inanka ma adeerkii A/Y baa dhiiqo galey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 14, 2008 Che, There are political crisis right now ,,, but that site is a Kulmiye supporter and can't say most of what it says it actual. Yes the qarax was heard ,,, and i'm still waiting for details. IT is still early here. Quote Share this post Link to post Share on other sites