Sign in to follow this  
General Duke

Beledweyne : Hizbul Islam official murdered was it Al Shabaab?

Recommended Posts

Mas’uul ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo Caawa lagu dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Posted: 10/2/2009 9:48:00 PM

Shabelle: BALADWAYNE

Mas’uul ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa  Caawa fiidkii waxaa lagu dilay gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

 

Sheekh Aadan C/salaan Cabdi oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta Maamulka Xisbul Islaam ee Magaalada Baladweyne ayaa Caawa fiidkii Kooxo hubaysan waxa ay ku toogteen Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

 

Xiriiro ay Shabelle la samaysay Mas’uuliyiinta ugu sarsaraysa Ururka Xisbul Islaam ee gobolkaasi si ay wax uga ogaato dilka Mas’uulkaasi ayaysan inoo suuro galin in aynu qadka taleefoonka ku haleelno.

 

Dilkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa maalin uun kadib markii Ciidamada Xisbul Islaam ay si toos ah ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay maalmo ku sugnaayeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

Sheekh Aadan C/salaan ayaa waxa uu ahaa Madaxa wacyi galinta iyo arimaha bulshada ee Maamulkii dowladda ee Magaalada Baladweyne isagoo markii danbana ka mid noqday Mas’uuliyiintii gobolkaasi gudoomiyaha gobolaasi ku raacday ku biirista Ururka Xisbul Islaam.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

                

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

 

Fadlan wixii Qalad ah Nala Soo xariir radioshabelle@ymail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this