Cowke Posted October 22, 2009 Bosaso: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay amaanka gudaha, Faragalimaha dawladdaha Deriska ah iyo qatarta ay Puntland ku hayaan Kooxaha ka dagaalamaya K/Soomaaliya. 21. oktober 2009 Bosaso(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay magaalada Bosaso, ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dad badan oo ka soo horjeeda amaanka deegaanada Puntland, siiba magaalada Boosaaso. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey dadka ka imaanaya dalalka jaarka la ah Puntland iyo gobalada Koonfureedba in ay ku jiraan dad badan oo ka soo horjeeda amaanka Puntland, isagoo sheegay in ay la dagaalami doonaan dadkaasi. Faroole wuxuu sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed, oo wanaagsan kuwaas oo la shaqeeya laamaha amaanka, kuwa ka soo horjeeda amaanka ayuu ugu baaqay in ay deg deg faraha ugala baxaan howlaha ay ku jiraan. Madaxweyne Faroole wuxuu tilmaamay in ay dadka Puntland, inta badan ka daba hadlaan amay ay ka xumaadaan dadka ay qabanayaan ciidamada amaanka, wuxuuna ugu hanjabay dadkaasi in ay ka fiirsadaan talaabooyinka ay qaadayaan, isagoo cadeeyey in ay ciidamadoodu qaban karaan, qof kasta oo ay ka shakiyaan oo ay xiri doonaan, hadii uu dambi leeyahayna ay ku qaadi doonaan Waajibkiisa, hadii kalena ay sii deyn doonaan. " Waxa ay ila tahay dad badan ayaa ka daba taga dadka loo heysto dambiyada ee ay qabtaan ciidamada dawladdu, waxaan idin kaga digayaa arrintaas, qof kasta oo dambi gala ama la tuhmo waa la xirayaa, mana loo dulqaadanayo, hadii uu dambi leeyahay waanu marinaynaa hadii kalena waa sii deynaynaa" Ayuu si caro ku dheehan tahay uyiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Madaxweynuhu wuxuu maanta qiray in ay jiran dad ka socda dowladaha jaarka la ah Soomaaliya oo Sirdoon ah ay joogaan Puntland, kuwaas oo uu sheegay in ay ka soo horjeedaan horumarka Puntland, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay in ay dadkaasi doonayaan in ay Puntland nabadi ka dhicin. Al- Shabaab iyo Xisbul Islaam ayuu sheegay Madaxweynaha Puntland in ay dad usoo dirsadeen Puntland, kuwaas oo qorshahoodu yahay,in ay la dagaalamaan horumarka Puntland, ayna ka soo horjeestaan talaabo kasta oo horumarka loo qaaday, isagoo wax laga xumaado ku sifeeyey in ay dadka sidaas ku fakaraya noqdaan dad Soomaaliyeed. " Sida aad aragtaan oo aan ognahay dad badan oo ka soo horjeeda amaanka iyo horumarkeena ayaa ku sugan Puntland, Asmara oo kale dad ayaa ujooga, doonaya in ay qal-qalgaliyaan amaanka Puntland, waana la soconaa" Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Hadalkan Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ku qiray in ay dad ka socda Dawladda Asmara, kana soo horjeeda horumarka Puntland in ay ku sugan yihiin gudaha deegaanada Puntland, wuxuuna sidoo kale Al- Shabaab iyo Xisbul Islaam ku sheegay in ay jiraan dad badan oo ay tababaro soo siiyaan kuna sugan gudaha Puntland. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites