Sign in to follow this  
General Duke

Huge weapons catche found in cemetry..

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamada Dowladda oo soo faagay hub lagu aasay qabuuraha Barakaat.

1. June 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo faagaan hub fara badan oo sida meydka oo kale loo aasay.

 

Qabuuraha Barakaat oo ku yaala duleedka jidka warshadaha ayaa hubkan laga soo faagay iyadoo sida meydka oo kale loo aasay, waxaana hubkan uu ka koobnaa noocyada kala duwan ee qoryaha daran dooriga u dhaca, kuwa garbaha laga tuuro iyo nooca loogu talagalay in lagu dhufto diyaaraddaha.

 

Sirdoonka dowladda KMG ayaa ka war helay dhowr qabuuro oo kale oo ay ku jiraan hub fara badan iyadoo si qarsoodi ah loogu aasay qabuuraha Barakaat, waxaana lagu guuleystay in shalay laga soo bixiyo hub fara badan.

 

Hubkan ayaa la rumeysan yahay in ay lahaayeen kooxihii kacdaanka ka waday magaalada Muqdisho ee ka tirsanaa maxkamadihii Islaamiga, waxaana ciidamada dowladda ay qorsheynayaan in baaritaano kale ay ku sameeyaan goobo kale oo sidaas oo kale looga shakisan yahay.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee Qabuuraha Barakaat laga soo qodo hub lagu qarsaday, iyadoo dhowr jeer oo hore laga soo qoday hub fara badan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda oo soo faagay hub lagu aasay qabuuraha Barakaat

 

(Radio WidhWidh Muqdisho}01.6-7Ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo faagaan hub fara badan oo sida meydka oo kale loo aasay.

 

Qabuuraha Barakaat oo ku yaala duleedka jidka warshadaha ayaa hubkan laga soo faagay iyadoo sida meydka oo kale loo aasay, waxaana hubkan uu ka koobnaa noocyada kala duwan ee qoryaha daran dooriga u dhaca, kuwa garbaha laga tuuro iyo nooca loogu talagalay in lagu dhufto diyaaraddaha.

 

Sirdoonka dowladda KMG ayaa ka war helay dhowr qabuuro oo kale oo ay ku jiraan hub fara badan iyadoo si qarsoodi ah loogu aasay qabuuraha Barakaat, waxaana lagu guuleystay in shalay laga soo bixiyo hub fara badan.

 

Hubkan ayaa la rumeysan yahay in ay lahaayeen kooxihii kacdaanka ka waday magaalada Muqdisho ee ka tirsanaa maxkamadihii Islaamiga, waxaana ciidamada dowladda ay qorsheynayaan in baaritaano kale ay ku sameeyaan goobo kale oo sidaas oo kale looga shakisan yahay.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee Qabuuraha Barakaat laga soo qodo hub lagu qarsaday, iyadoo dhowr jeer oo hore laga soo qoday hub fara badan.

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this