Sign in to follow this  
Juje

Hub ka dhigista waxaa sameyn kara ciidan Qaran oo lagu kalsoonaan karo

Recommended Posts

Juje   

C/llaahi Sheekh Xasan “Hub ka dhigista waxaa sameyn kara ciidan Qaran oo lagu kalsoonaan karo, reer Puntland reer Muqdisho hubka kama dhigi karaan….”

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa gudigii hubka ka dhigista ee shirkii Nairobi ayaa ka hadlay hubka dhigista ay dowladda federaalka ah ku dhawaaqday in ay ka hirgalinayso magaaladan Muqdisho ayaa sheegay in isagu uu qabo hub ka dhigista in loo wajaho si xeeledeysan oo laga fogaanayo eex, iyadoo laga fogaanayo wixii xasaasiyad abuuri kara.

 

“Axdiga ku meel gaarka ah ee lagu soo heshiiyay waxa u qabaa in arrinta hubka dhigista loo wajaho si xeeladaysan oo ku jirin eex iyada oo laga fogaanayo wax keeni kara xasaasiyad hubka dhigistana laga hirgaliyo goob kasta hal maalin iyo hal saac xattaa aan u dhaxayn karin daqiiqado” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo intaa ku daray in loo baahan yahay in arintaaso in meelo gaar ah aan lal beegsanin.

 

“Haddii aan axdiga lagu heshiiyay la raacin waxaa imaan kara wax aan wanaag ahayn, waxaan xusuustaa hadal u dhawaan yiri Cadde Muuse oo ahaa sidan (maxkamadaha waxaan u arkaa USC shaar diimeed soo gashaday) marka anaga waxaan u aragnaa ciidamada hub ka dhigista sameyanaya ee Putland oo shaar Itoobiya soo gashaday isla markaana dowlad sheeganaysa hubka dhigistana waxaa samayn kara ciidan Qaran oo lagu kalsoon yahay, Reer Putland reer Muqdisho hubka kama dhigi karaan sababtoo ah adinka waxaad tihiin reer Puntland anagana waxaan nahay reer Muqdisho” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo intaa raaciyay “Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Puntland waxay dagaal ka soo bilaabeen Puntland ilaa Xamar ay ka yimaadaan ma jirin meel ay hub ka dhigis ka sameeyeen haddiiba hubka la dhigayo waa in laga soo bilaabaa Soomaali-land ka dib Putland sidaasna lagu yimaadaa Muqdisho ma jirto in cirifka hore laga soo gudbo cirifka kale laga bilaabo” ayu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Mogadishu 06, Jan.07 ( Sh.M.Network) – 7 ruux ayaa dhaawac uu ka soo gaaray banaanbaxyo rabshado wata oo ilaa iyo wali ka soconaya qeybo ka mid ah caasimadda Somalia ee Muqdisho, iyadoo dibadbaxayadaasi ay dhigeen boqolaal dhalinyaro ah oo ka careysan qaabka dowladda Somalia ay ku sheegtay in ay hubka kaga aruurineyso dadka magaalada Muqdisho.

 

Banaanbaxaan oo ka bilowday saakay waabarigii isgoysyada Tarabuunka, KM4 ayaa ku fiday wadada wadnaha iyo wadada Towfiiq iyo agagaarka garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo taayaro lagu gubay.

 

Dibadbaxaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay kooxo dhalinyaro careysan oo gacmaha ku sita dhagxaan ay ku tuurayeen goobaha ganacsiga iyo gaadiidka Blka ah ee isaga gala goosha magaalada Muqdisho.

 

Dadka dhaawaca uu ka soo gaaray dibadbaxaan ayaa waxa ay isugu jireen kuwo banaanbaxayay iyo kuwo wadada marayay, iyadoo dhaawacoodana uu yimid, ka dib marakii dhagxaan ay kala hortageen ciidamada dowladda oo markii dambe rasaas ku kala eryay dadkii.

 

Ganacsatada qaar ee goobaha ganacsi ku leh meelaha uu dibadbaxa saameeyay ayaa iyaguna qoryo la soo baxay si ay u adkeeyaan amaankooda.

 

Dhalinyaradaan careysan ayaa wado kasta oo ay socod ku marayeen waxa ay ku gubayeen taayaro, iyadoona dhagxaan waaweyn lagu jaray wadooyinka si gaadiid aanu u soo marin.

 

Goobihii ganacsiga iyo Gaadiidka Blka ah ayaa hakad uu ku yimid dibadbaxaan oo wali ka soconaya caasimadda Somalia, iyadoo gaadiidka blka ah mararka qaar ay marayaan xaafadaha dhexdooda, waxaana lagu raacayaa qiimo ka badan intii hore.

 

Banaanbaxyadaan ayaa ku soo beegmay xilli maanta dowladda Somalia ay qorsheyneysay in ay hub uruurin ka bilowdo magaalada Muqdisho si qasab ah, inkastoo arinkaasi dowladda ay dib u dhigtay, ka dib markii codsiyo uu uga yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banadir.

 

kac6.jpg

 

kac11.jpg

 

kac9.jpg

 

kac7.jpg

 

kac2.jpg

 

kac1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hubka in xoog lagugu aruursho waaye lata naxnax,baryo-baryada la iska dhaafo haseyeeshee hubkaa waa in ay uruuriyaan cidamadda dowlada dadka laga aruuriniyana waa in dowladu damaanad qaada amaankooda guud oo xoolahooda iyo naftooda aanan la xalaalsan. Haddii kale back to square one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this